Maxaa laga filan karaa Shirweynaha Puntland”
Waa shir aad loo sugayo, waxaa la filayaa in uu noqdo shir ay ka soo baxaan qodobo wax ku ool u ah guud ahaan umadda Somaliyed,gaar ahaan reer Puntland.
Hadaba si ay taasi u dhacdo maxaa muhiim u ah in ay ka soo baxaan shirkaas.
1.In Puntlad ay joojiso dhammaan wixii xiriir iyo wada shaqayn ah illaa laga helayo shuruudahanβ¦
B) In la isla meel dhigo qaabka ay noqonayso doorashada soo socota
T) In ay DF ay joojiso xiisadaha dagaal ee ay waddanka ka hurinayso
- In lagu dhawaaqo shirweyne qaran oo lagu badbaadinayo masiirka Soomaaliya.
- Puntland waa astaanta u taagan mar walba midnimada Soomaaliya
- In lala xisaabtamo Xildhibaanada iyo Wasiirada reer Puntland ee ku jira labada Aqal iyo Golaha Wasiirada.
- In Xildhibaanada reer Puntland ee Fadaraalka aysan marna raalli ka noqon haddii lagu fakaro mudada oo la kororsado.
Shirka,ayaa qabanqaabadiisu waxay maraysaa meel wanaagsan,waxaana ka qaybgali doona ergo gaaraysa 659-xubnood,waxuuna socon doona sida la qorsheeyay mudo 3-cisho ah.
Aadbaa loogu han weyn yahay shirka Aayo ka talinta Puntland
Jibril Qoobey.
