Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa lagu xasuusan doonaa Madaxnimadii Farmaajo?
    Somalia

    Maxaa lagu xasuusan doonaa Madaxnimadii Farmaajo?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 23, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Halkaas,waxaa kusoo afjarmay khatar weyn oo Dalka soo wajahday.

    Somaliya markale ayay xaqiijisay ilaalinta Dowladnimadeeda.

    Farmaajo,waxuu sii degayaa Guri uu leeyahay Qoor-qoor oo kiro ah Laba todobaad ugu badnaan kadibna,waxuu udhoofayaa Tunisiya oo Dowlada Qatar ay kala hadashay lagana siiyay Guri uu dego.

    Ma ahayn hogaamiye sidii saxda ahayd uhogaamiyay Dalkii loo dhiibay balse waxuu ahaa mid xataa uhakan waayay Dastuurkii dhignaa,waxaana laysla qirsan yahay haduu heli lahaa xoogaa awood Ciidan ah in uusan Maanta xilka wareejiyeen.

    Farmaajo maxaa lagu xasuusan doonaa??

    1.In uu ahaa Madaxweyne talada loo go’aamiyo.

    2.In uu ahaa Madaxweyne ku qaban waayay Doorashada mudo xileedkii Dastuuriga ahaa.

    3.In uu ahaa Madaxweyne Sanad iyo bar ku deganaa Guriga Dalka si aan sharciyad haysan.

    4.In uu ahaa Madaxweynihii Arday Somaliyed ka hor istaaga horumar una diida Shahaado uu xaq uleeyahay.

    5.In uu ahaa Madaxweynihii hor istaagay Mashaariicda horumarineed ee Dalka.

    6.In uu ahaa Madaxweynihii cunaqabataynta kusoo rogay Dadka iyo Dhulka Somaliyed sida Jubaland.

    7.In uu ahaa Madaxweynihii weeraray Labadii Madaxweyne ee xukunka uga horeeyay.

    8.In uu ahaa Madaxweynihii weeraray mucaarad si Dimuqraadiya udhaliilya ugana soo horjeeda.

    9.In uu ahaa Madaxweynihii difaacay oo dalacsiiyay dhagarqabayaal dilay Gabar ka tirsan Sirdoonka Qaranka.

    10.In uu ahaa Madaxweyne baalgeliyay kuwii lagu tuhmayay Dilka Xildhibaanad udoodaysa xaqa Gabadhaas sirdoonka ka tirsanayd.

    11.in uu ahaa Madaxweynihii Dadkii uu xukumay u adeegsaday Ciidamo shisheeye ah oo aan haysan sharciyad ogolaansho ah.

    12.In uu ahaa Madaxweynihii muwaadin Somaliyed udhiibay Dal shisheeye oo cadaawad uqaba.

    13.In uu ahaa Madaxweynihii abuuray U Adeegsiga Saxaafada magac dilka Siyaasiyiinta kasoo horjeeda.

    14.In uu ahaa Madaxweynihii abuuray dhaqaalo ku gadashada Bulshada damiirkeeda si loo marin habaabiyo.

    15.In uu ahaa Madaxweynihii abuuray U Adeegsiga siyaasiyiinta kasoo horjeeda ka duubista muuqaalo anshax xumo ah.

    16.In uu ahaa Madaxweynihii Siyaasada Dibada ee Dalka uburburiyay dano Dal kale leeyahay.

    17.In uu ahaa Madaxweynihii ka dhigtay Agaasimihiisa Madaxtooyada shaqsi U adeega sirdoon Wadan kale.

    18.In uu ahaa Madaxweynihii udhiibay hay’adii sirdoonka Qaranka jaajuus la og yahay oo Dal kale ka mushahaar qaata.

    19.In uu ahaa Madaxweynihii Ciidan Somaliyed uqaada Dal kale si loo geliyo dagaal ay Dowlad kale wadato.

    20.In uu ahaa Madaxweynihii aan ku dhicin hor imaadka Saxaafada.

    Afartii sano ee sharciyada haysatay iyo Sanadkii xaaraanta ahaa waxii dhacay marna lama ilaawi doono.

    Taariikhda dhow waa in lagu Maxkamadeeyaa Farmaajo iyo Fahad danbiyadii waa weynaa ee ay galeen si uusan xaalku unoqon ilowshaheenii fududaa.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.