Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaa looga wada hadlay shirkii Khamiislaha ahaa ee Golaha Wasiirada Fadaraalka
    Somalia

    Maxaa looga wada hadlay shirkii Khamiislaha ahaa ee Golaha Wasiirada Fadaraalka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 3, 2017No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Golaha Wasiirada ee Xukuumada Federaalka Soomaaliya ayaa maanta yeeshay kulankoodii caadiga ahaa oo uu shir-guddoominayay Ra’iisal Wasaaraha Xukuumada Mudane Xasan Cali Kheyre ayaa arrimaha kulanka looga hadlay waxaa ka mid ahaa Amniga, ansixinta Hindise Sharciyeedyo, warbixino la dhageystay iyo magacaabista Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka.
     
    Golaha Wasiirada ayaa ugu horreyntii soo dhoweeyey Heshiiskii Soomaaliya iyo India ee ku saabsanaa is-weydaaarsiga maxaabiista. Golaha ayaa dhageystay warbixinta safarka Wasiirka Arrimaha Dibedda iyo Xeer Illaaliyaha Guud ee Qaranka oo booqday xabsi ay Soomaali ku xirnaayeen, oo Soomaalida ay maxaabiista ku soo arkeen ahaayeen kuwo qaadayay heestii Soomaaliyey toosoo toosoy isku tiirsada ee, isla markaasna ay sawir calanka ah sameeyeen bacdamaa aysan heysan calanka. Maxkamada India ayaa 15 Soomaali ah ku xukuntay 7 sano oo xarig kuwaas oo 6sano iyo bar horey u soo dhameystay.
     
    Wasiirka Amniga ayaa sheegay in horumar ballaaran laga sameeyey dhanka xasilinta caasimada iyo nawaaxigeeda, ciidanka niyadiisana ay aad u dhisantahay, dhowaana la dar-dargelin doono soo celinta amniga iyo nabadeynta dalka oo dhan. Wasiirka ayaa sheegay in iyadoo lala kaashanayo Gobolka Benadir iyo dhowaan la furi doono waddooyinka xir-xiran qaarkood bacdamaa amnigii uu soo hagaagayo. Wasiirka ayaa sheegay in maanta Ra’iisul Wasaarahu ka qeybgalay barnaamijka is-dhexgalka, wada-shaqeynta iyo wacyigelinta ee ciidamada qalabaka-sida oo lagu qabtay Akadeemiyada Jeneral Kaahiye.
     
    Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ayaa ka warbixiyey howlihii u qabsoomay Guddiga Siyaasada ee Heer Wasiiro oo dhowaan la soo gudbin doono qorshaha iyo istraatejiyada lagu hubinayo in dalka doorashooyin ka dhacaan 2020-2021ka, dib-u-eegista dastuurka, hirgelinta xisbiyada siyaasada, dhameystirka qorshaha federaaleynta, dib-u-heshiisiinta iyo hubinta amniga doorashooyinka.
     
    Golaha Wasiirada ayaa ansixiyey Hindise Sharciyeedyo 3 ah oo kala ah:
     
    1. Hindise Sharciyeedka Biyaha oo dalka u horseedi doono sidii loo nidaamin lahaa helista biyaha, hubinta in biyahu ay nadiif yihiin, shacabkana meel walba oo ay joogaan si fudud lagu gaarsiin karo.
     
    2. Hindise Sharciyeedka Manhajka Waxbarashada oo wadatashi dheer oo lala yeeshay dhammaan qeybaha kala duwan ee bulshada iyo dowlad goboleedyada. Sharcigan ayaa sahlaya mideynta manhajka waxbarashada dalka, hubinta in caruurta la baro duruusta muhiimka u ah muwaadinimadooda isla markaasna u horseedi doona dalka waxbarasho tayo leh oo muwaadin walba uu xaq u leeyahay.
     
    3. Hindise Sharciyeedka Caafimaadka oo muhiim u ah dalka, horseedi doonana in daawooyin tayo leh laga iibiyo shacabka, in takhaatiirta howlgasho la nidaaminayo oo la hubinayo, iyo goobaha caafimaadka oo iyagana la diiwaangelinayo si loo hubiyo inay adeegyo caafimaad oo lagu kalsoonaan karo ay fulinayaan.
     
    Golaha ayaa loo qeybiyey Hindise Sharciyeedyada ay ka mid yihiin Maaeynta Maaliyada, Xakameynta Hubka iyo Batroolka si wasiirada u soo akhristaan oo kulanka danbe looga doodo.
     
    Ugu danbeyntii Wasiirka Maaliyada ayaa Golaha Wasiirada u soo gudbiyey Maxamed M. Cali inuu noqdo Hanti Dhowrka Guud ee Qaranka, oo ah khabiir dhanka Maamulka iyo Maareynta Maaliyada, haddana u shaqeeya Dowlada Hoose ee Washington ee dalka Mareykanka oo uu ka yahay Maamule Sare ee dhanka Dhaqaalaha, heystana Shahaadada Masterka ee MBA oo uu ka qaatay Jaamicada Maryland ee dalka Mareykanka. Golaha Wasiirada ayaa ansixiyey talo-soo jeedintii Wasiirka Maaliyada.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    October 19, 2025

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    October 19, 2025

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    October 18, 2025
    Latest Posts

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    Maxay kala yihiin kaydadka dabiiciga ah Ee PL ka samayn karto dhaqaale xoog badan?

    Maxay ahaayeen Qodobadii looga wada hadlay kulankii Itoobiya iyo SL?

    Maraykanka oo udiiday Ukrain Gantaalada Tomahawk

    Heshiiskii Niyukleerka Ee Iran iyo quwadaha oo dhamaaday

    𝐀𝐮𝐬𝐭𝐫𝐚𝐥𝐢𝐚 𝐬𝐡𝐞𝐞𝐩-𝐞𝐱𝐩𝐨𝐫𝐭 𝐛𝐚𝐧 𝐡𝐞𝐥𝐩𝐬 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐚 𝐰𝐢𝐧 $𝟏 𝐛𝐢𝐥𝐥𝐢𝐨𝐧 𝐨𝐟 𝐬𝐚𝐥𝐞𝐬

    Faallo:-Fudaydka Siyaasada dibada Ee Xasan iyo saamaynta loolanka quwadaha caalamka

    Sidee PL uga faa’idaysan kartaa Kalluunka ay hodanka ku tahay?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.