Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaad kala socotaa Gobolka Sao Paulo?
    Somalia

    Maxaad kala socotaa Gobolka Sao Paulo?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 4, 2021Updated:August 5, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Sao Paulo waa gobol dhaca Brazil, waxa uuna kamid yahay 26 gobol ee Brazil ka kooban tahay. waa hal bawlaha wadanka Brazil waana gobol baaxad ahaan kaga jira dalka kaalinta 12aad. Waxa ku nool 46Milyan oo qof, taaso ka dhigan in 21% dadka Brazil ay gobolkaas dagan yihiin, waana gobolka ugu dadka badan guud ahaan Brazil.

    Gobolka Sao Paulo waxa uu baaxad ahaan inyar ka weyn yahay wadanka UK, ama wax ka yar 40% dhulka Soomaaliya ayuu le’eg yahay.

    Waa gobol aad qani u ah, oo ah kan ugu hodansan uguna dhaqaalaha weyn guud ahaan Brazil. Waa gobol xudun u ah waxsoosaarka dalkaas oo 33% ayuuba leeyahay dhaqalaha dalka. Gobolkani waxa uu ka dhaqaale badan yahay isku darka dalalka Masar, Morocco, Uganda iyo Kenya. Sidoo kale wuxuu ka dhaqale badan yahay isku darka wadamada Argentina, Bolivia, Uruguay iyo Paraguay oo Koonfur America dhaca. Ma u malayn kadhaa gobolkani dhaqaale ahaan iñuu ka sarreeyo dalal ay kamid yihiin Sacuudiga, Pakistan, Iraan, Nigeria, South Africa, Poland, Imaaraatka, Malaysia iyo dalal kale.

    Dhaqaalihiisu waxa uu gaarayaa illaa $800 oo Bilyan. Halka dakhliga soo gala dadkiisa uu gaarayo illaa $27kun. Gobolkani haddii uu dal ahaan lahaa wuxuu noqon lahaa kan 20aad ama 21aad ee dunida ugu dhaqaalaha badan.

    Brazil waa dal dadkiisu yihiin muhaajiriin inta badan Yurub iyo Eeshiya ka yimid. Gobolkani waa kan ugu jinsiyadaha badan wadankaas. Dadka ugu badan ee dagan waa dadka isirkoodu Talyaaniga yahay oo gobolkaas 65% wax ka badan dagan. Halka Carabta ay Siiriyaanka iyo Lubnaaniisku u horreeyaan ay ku badan yihiin, kuwasoo dalka yimid 100sano wax ka badan kahor.

    Magaaloyinkiisa waxa kamida magaalada ugu weyn guud ahaan Qaaradaha Koonfur iyo Waqooyiga Ameerika ama magaalada ugu weyn guud ahaan cirifka galbeed iyo kan koonfureedba waa magaalada Sao Paulo oo ay ku nool yihiin iyada iyo nawaaxigeeda dad kor u dhaafaya 30miyan.

    Ma u malayn kadhaa in magaaladaas oo qura ay ka hodansan tahay kana dhaqaalo badan tahay wadamo ay kamid yihiin Bortoqiiska oo gumaystay, Giriigga, Qatar, Cumaan iyo Algeria.

    Sawirka: Sao Paulo, Sao Paulo state, Brazil.

    Qalinkii:Maxamuud Daahir.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Maxaa kala soconaa Colaada Sudan?

    October 31, 2025

    Faallo:-Colaada Sudan Puntland qayb kama ahan

    October 31, 2025

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    October 29, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Maxaa kala soconaa Colaada Sudan?

    Faallo:-Colaada Sudan Puntland qayb kama ahan

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    Maalinta dalxiiska Puntland oo sanadkan lagu qabtay Xeebta Mareero

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.