Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaad ka taqaan shaqsiyada iyo sooyaalka siyaasadeed Ee U olaleeyaha gooni goosadka Gobolada Waqooyi?
    Somalia

    Maxaad ka taqaan shaqsiyada iyo sooyaalka siyaasadeed Ee U olaleeyaha gooni goosadka Gobolada Waqooyi?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 19, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Gavin Williamson waa 45-jir kasoo jeeda Scarboroug ,dadka kasoo horjeeda ayaa ku tilmaama,qof aan la aamini karin oo ka macaasha Siyaada,gaar ahaan iibgeynta Qadiyadaha Xasaasiga ah.

    Wuxuu mudo ku hawlanaa mooshin la horgeeyey Aqalka Hoose ee UK si looga doodo aqoonsiga Soomaliland,wuxuu kamid ahaa rag u ololeeya Somaliland uu horay u booqday Soomaliland isagoo xilligaa ahaa Wasiirka Gaashaandhigga UK.

    Gavin Williamson ayaa ahaa Wasiirka Gaashaandhigga UK 2017 ilaa 2019 ,Lknse markii dambe xilkii wasiirka waxaa looga qaaday si foolxun,kadib markii la ogaaday inuu sirtii qaranka UK uu xadayoo uu siiyey Dawladd cadow ah.

    Dawladda Britain ayaa sheegtay in Gavin Williamson uu xogo Xasaasi ah oo uu leeyahay Qaranka Britain uu faafiyey gaara ahaan waxyaabo looga hadlay kulan Golaha Ammaanka Qaranka britain yeeshay oo Gavin Williamson goob joog ahaa xiligaas.

    Waxayna Britain sheegtay in dhamaan xogtii kulanka Golaha Ammaanka Qaranka britain uu siiyey Shirkadda Chinese-ka ah ee Huawei,isagoo sirtaas kaga bedeshey Dano gaar ah .

    Dembiyada kale ee lagu helay Gavin Williamson ayaa ah inuu shirkada Huawei u fududeeyey inay hesho xog sir ah oo dheeraad ah ,si taasi uga caawiso dhismaha shabakada 5G .

    Markaas kadib ayaa laga eryey Xilkii wasiirnimada ,kaddib markii la sheegay inaan kalsooni lagu qabin oo aan lagu aamini karin siraha qaran ee Britain iyo inuu dalkiisa u adeego sida ay sheegtay Raiisul wasaarihii Britain ee xiligaasTheresa May,oo arintan si cad u sheegtay.

    Dad badan oo Soomaaliyeed ayaa jeclaystay sida Wasiirka Qorshaynta Soomaaliya Jamaal Maxamed Xasan uu ugu jawaabay Gavin Williamson, Jamaal oo la hadlaya Gavin wuxuu yiri sidan .

    ” tani waxay Cadayn u tahay inaadan wax xog ah ka haynin gudaha Somalia,Qof si foolxun looga eryey dawladdii uu ka tirsanaa sabab la xiriirta inuu faafiyey Xog sireedkii amni ee Wadankiisa , Ma jirto sabab uu u farageliyo wadan madaxbanaan arimihiisa gudaha, inaad taageerto gooni u Goosadna waxay sii kordhineysaa Boogahaagii hore “

    Abdirizak Jubba

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.