Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaad ka taqaanay Cabdi Xasan Jimcaale?
    Somalia

    Maxaad ka taqaanay Cabdi Xasan Jimcaale?

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeySeptember 25, 2020No Comments6 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaa Qoray: Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan).

    Dadka ka baro mid ka mid ah raga aad garbahooda ku taagan tahay…Dr. Abdi Hasan Jimale Allaha u naxariisto Janada mideeda u saraysa hooy Allah ka yeelo Aamin:

    Share:

    Dr. Cabdi Xasan wuxuu 1-dii Jannaayo 1948-kii ku dhashay degmada Xamar Jajab ee Gobolka Banaadir. Dr. Cabdi wuxuu ahaa madi agoon ah bacdamaa uu aabbihiis, Xasan Jimcaale Samatar, uu isago yar dhintay. Cabdi hooyadiis waxaa la oran jiray Isniina Diiriye Liibaan.

    Waxbarashadiisii iyo heerarkii ay soo martay:

    Waxbarashadiisii dugsiga hoose wuxuu Cabdi ku soo qaatay Dugsigii Macallin Jaamac Bilaal ee Muqdisho ku yaallay xilligii gumeysigana la oran jiray (Scuola Cardinale Massaia). Dugsigaasi Wuxuu ku oolli jiray meesha haatan ay ka dhisan tahay Xarunta Ururka Haweenka Soomaaliyeed oo ka soo horjeeda Golaha Murtida iyo Madadaalada – Muqdisho.

    Waxbarashadiisii dugsiga dhexe wuxuu Cabdi ku soo qaatay Dugsigii Farsamada Ganacsiga (Scuola Avviamento Professionale a tipo Commerciale) ee Muqdisho.

    Waxbarashadiisii dugsiga sare wuxuu Cabdi ku soo qaatay Dugsiga Sare ee Raage Ugaas ee Muqdisho oo uu ka aflaxay 1972-kii.

    1980-kii wuxuu Cabdi ka qaalin jebiyay oo shahaadada B.A ka qaatay Kulliyaddii Culuunta Siyaasadda ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

    Iyadoo ay Dawladda Soomaaliyeed siisay deeq waxbarasho, Cabdi wuxuu aaday dalka Romania wuxuuna ku biiray Kulliyadda Sharciga ee Bukareesti oo uu ka qalin jebiyay kana qaatay shahaadada jaamacadeed ee derejada 2-aad (Master’s degree) sannadku markuu ahaa 1988-kii.

    Isla 1988-kii Cabdi wuxuu iska diiwaangeliyay Kulliyadda Sharciga ee Bukareesti si uu ugu gudbo heerka ugu dambeeya ee waxbarasho jaamacadeed una helo shahaado Ph.D ah. Cabdi wuxuu sii labanlaabay dedaalkiisii iyo jacaylkiisii waxbarasho wuxuuna si buuxda ugu guulaystay inuu dhammaysto kuna aflaxo waxbarashadiisaas jaamacaded isla markaasna uu 1993-kii hantiyo darajada doktoreetka ee loo yaqaan Ph.D (doctor of philosophy).

    Intaas waxaa Cabdi u dheeraa tababarro iyo aqoon-isweydaarsiyo muddadooda iyo mawduucyadooduba kala duwanayeen oo uu u tegey dalalka Ruushka (11 bilood), Romania (6 bilood), Uganda, Jarmalka iyo Bulgaria.

    Shaqooyinkii uu Cabdi soo qabtay :

    Cabdi wuxuu shaqo ka bilaabay muddo dheerna ka soo shaqeeyay Xafiiskii Hawlaha Maraakiiibta ee Wakaaladda Dekedaha Soomaaliyeed (Muqdisho) isagoo arday ah oo dugsiga Dhexe dhigta. Cabdi wuxuu ahaa agoon iskooris ah oo dhanna waxbarashadiisii wata dhanka kalena quutul-yoomkiisii xooggiisa kula soo baxa.

    Waxaa kaloo iyaduna xusid mudan oon marnaba la illaawi karin inuu taageero dhaqaale oo maaddi iyo macnawiba leh ka heli jiray masuul Soomaaliyeed oo ay qaraabo ahaayeen, Maxamed Maxamuud Maxamed (Jeelle) oo waqtigan xaadirka ah dalka Maraykanka ku nool.

    Dr. Cabdi wuxuu ka soo shaqeeyay Gobollada Mudug iyo Jubbada Dhexe oo uu wakiil gobol uga ahaa Xafiiskii Siyaasadda Golihii Sare ee Kacaanka.

    Dr. Cabdi wuxuu kaloo ka soo shaqeeyay Gobollada Hiiraan iyo Galguduud oo uu labadaba ka noqday Ku-Xigeenka Guddoomiye Gobol (Deputy Governor).

    Muddadii u dhexaysay 1980-1982-kii wuxuu isku hayay xilalka kala ah : Agaasimaha Waaxda Gobollada iyo Degmooyinka ee Hoggaankii Abaabulka ee Xisbigii Hantiwadaagga Kacaanka Soomaaliyeed (XHKS), Agaasime-Ku-Xigeenka Dugsiga Maamulka iyo Maaraynta ee Hawlwadeennada XHKS iyo bare waqti-dhiman (Part-time lecturer) ee Kulliyaddii Gahayr ee Jaamacadda Ummadda Soomaaliyeed.

    Dr. Cabdi wuxuu muddo kooban ahaa Wakiilka XHKS ee Wasaaraddii Dawladaha Hoose iyo Horumarinta reer Miyiga (Muqdisho).

    Muddo 2 sano ah wuxuu u shaqeeyay Hay’ad Iswidish ah (DIAKONIA) oo uu Soomaaliya uga ahaa Xiriiriyaha Sharciga isagoo fulinaayay barnaamij ay maalgelisay Laanta Qarammada Midoobay u qaabilsan Barnaamijyada Horumarinta (UNDP).

    Wuxuu bare ka ahaa isla markaasna sharci ka qaatay dalka Denmark oo uu u haajiray kaddib markii Qarankii Soomaaliyeed burburay.

    Waqti yar kaddib markii la doortay (08/01/2009), Madaxweyne Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud (Faroole) iyo Ku-Xigeenkiisa, Janan Cabdisamad Cali Shire, waxay Dr. Cabdi ugu yeereen inuu Xukuumaddooda ku soo biiro si uu aqoontiisa iyo waayo-aragnimadiisa dalka iyo dadka ugaga faa’iideeyo waxayna u magacaabeen Xilka Wasiirudawlaha Madaxtooyada ee Dastuurka iyo Arrimaha Federalka oo uu si karti, xilkasnimo iyo daacadnimo ku dheehan yihiin u hayay ugana soo dhalaalay ilaa ay ajashii ku timid 07/05/2012.

    Buugaaggii uu Marxuumku qoray :

    Dr. Cabdi Xasan wuxuu ahaa nin qoraa ah wuxuuna qoray laba buug oo lagu kala magacaabo : (1) Dhacdooyinka Maddeganayaasha Geeska Afrika (Soomaaliya) oo lagu daabacay Horn of Africa Books, ISBN 87-986992-0-2, iyo (2) Taxanaha Taariikhda Islaamka, Sunni iyo Shiica : Buuggani wuxuu ka kooban yahay laba qaybood ama laba juz oo qoraalkooda la wada ebyay hase yeeshee waxaa la daabacay Qaybta 1-aad ama Vol.1 oo keliya.

    Afafka uu yaqiinnay:

    Afkiisa hooyo ee Soomaaliga ah ka sokow Dr. Cabdi Xasan wuxuu si fiican u yaqiinnay Afafka Carabiga, Talyaaniga, Ingiriisiga, Roomaanka iyo Deenishka.

    Wuxuu kaloo akhris iyo qoris ahaan u yaqiinnay farta Kareeliya oo ay isticmaalaan Waddammada Islaafka, sida Ruushka iyo Bulgarka, iwm.

    Qoyska uu ka tegey:

    Dr. Cabdi Xasan wuxuu Ifka kaga tegey afadiisii Maryan Saciid Yuusuf iyo labdooda ilmood oo mataanaha ah, Xasan iyo Xamdi, oo Oktoobarta soo socota 10 sano jirsan doona, haddii Ilaah idmo. Labada ilmood iyo hooyadoodba waxay haatan ku nool yihiin Caasimadda Dawladda Puntland ee Garoowe.

    Ugu dambaystii, waxaan jeclahay in aan halkan si gaar ah ugu xuso in muddadii aannu Xukuumadda Puntland ka wada tirsanayn aannu aniga iyo Dr. Cabdi hawlo badan wada qabannay Guddiyo badanna ka wada shaqaynay sida Guddigii Xulka Calanka, Astaanta iyo Heesta Calanka ee Puntland, Guddigii Tiirka Dimoqraadiyaynta iyo kii Dibu-eegidda Dastuurka Puntland.

    Hawlahaas aan soo sheegay iyo kuwo ka sii horreeyay oo aannu 51-kii sano oonnu isniqiinnay soo wada qabannay waxaan ku xaqiiqsaday inuu Dr. Cabdi ahaa nin hawlkar ah, xilkas ah, madaale ah, waddani ah. Wuxuu ahaa xalaalquute cibaadada ku fiican. Wuxuu ahaa nin ixtiraam badan oon marnaba jeclayn inuu dadka ku xadgudbo, isaguna ma jeclayn in lagu xadgudbo ama hawlihiisa lagu soo farageliyo : Haddii aan si kale u iraahdo wuu lahaa dabeecad ah : « Ha I daarin ku daari maayo e », waxaana halhays u ahayd oo ay dad badani ku xusuusan karaan (Xaashaa Lillaahi).

    Gebagebadii waxaan si aan mugdi ku jirin halkan ugu caddaynayaa inuu
    Dr. Cabdi Xasan Jimcaale Samatar ahaa tiir adag oo ka mid ah tiirarka ay Puntland ku taagan tahay si weyn baana loo tebi doonaa, iyadoo ay ajashiisu timid xilli waxqabadkiisa aad loogu sii baahi badan yahay. Ilaah ha u naxariisto Jannatil-Firdowsana ha ka waraabiyo, dhammaanteenna samir iyo iimaan ha ina ka siiyo. Aamiin. Aamiin. Aamiin.

    Diyaariyey : Maxamed Faarax Ciise (Gaashaan).

    Princes Abshir Bindiiriye Abdirahman Moalim Abdikafi Ibrahim Abdiwahab Abshir Ibrahim Halima Abdishakuur Ibrahim Xafsa Moalim Ibrahim Ahmed Abdullahi Wagiig Cawil Ciiro Ali Mohamed Ownour Sir-Mohamed Othman Max’ed Faarax Beereed Geedi Burhan Yusuf Bashiir Cabdullaahi

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.