Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaan ka baran karnaa Booqashadii Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ee Puntland?
    Somalia

    Maxaan ka baran karnaa Booqashadii Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ee Puntland?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.January 17, 2018No Comments4 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Booqashadii uu dhawaan Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo ku yimid Puntland waxaa lagu soo dhoweeyey si heer sare oo aan loo kala harin, waxayna muujisay taagero niyadda kasoo go’day, shacabkuna soo dhawayntaasi kama lahayn dano u gaara aan ka ahayn dareen ka dhex-guuxaya oo ah inay u heelanyihiin dolwad dhexe oo awood leh oo shaqaysa, sharaftii, karaamadii, iyo kala danbeyntiina dib u soo celisa.

    Waxaa ifaafale wanaagsan muuijinaya in shacabku bisayl dhinac walba ah gaaray, uuna ka gudbay wax inuu ku qiimeeyo waxyaala aan dan ugu jirin (sida qabiil iyo danaysi ) oo aan saamayn toosa ku yeelanayn oo aan taabanayn nolashiisa.

    Shacabku maanta waxa uu gaaray heer wax uu ku qiimeeyo, yaa daacad ii ah? yaa dareenka ila wadaaga? yaa nolashayda wax ka baddalaya?, yaa haybaddi iyo sharaftii dowladeed soo celinaya?, yaa amnigayga sugaya? yaa ii fududeynaya gooba caafimaad tayo leh oo aan awoodo? yaa waxbarasho tayo leh oo dadku wada awoodaan hirgalinaya oo uusan qofna uga baaqsanayn waxbarashada inuu sabool yahay?.

    Booqashadii taariikhiga ahayd ee uu Madaxweyne Farmaajo ku marayay deegaanada kala duwan ee Puntland oo loogu magacdaray “Socdaalkii dib-u-heshiinta” Waxaa iiga soo baxay in;

    1. Gobollada Puntland ay ku wayntahay Somaalinimada, u qareemidda midnimada ummadda, ku hal-adkaanta wixi danta guud ah oo in badani cod iyo cududba ay ku muujiyaan hirgalinteeda,taasina waxaa nagaga filan dhacdooyin badan oo ku taxan sooyaalka taariikheed ee na soo maray waxaana ka xusi karnaa.

    Halgankii Daraawiishta ee uu hoggaaminayey Sayid Maxmed Cabdalla Xasan saldhig waxaa u ahaa Gobollada Puntland , bilawgii halgankaasi soo dhowayn balaadhan ayuu kala kulmay degaanka, markuu halgankiisi kaweeciyay tubtii toosnayd , seeftiisii cadawga ku wajahnaydna ay noqatay mid maatada shacabka iyo maxasta lagu warjeefo, tani waxay keentay in aan loo dulqaadan goboodfalladii, waxaana lagaga hor yimid guluf dagaal, waana sababtii ugu waynayd ee keentay in ay soo afjaranto dagaaladii uwaday Sayidku.

    Waxaa kaloo xusid mudan in Puntland taageero aan kala har lahayn ay umuujiyeen shirkii dib uheshiinta ee Carta iyo dowladdii ka dhalatayba , C/llaahi Yuusuf oo Puntland hoggaaminayay waqtigaa ayaa isku dayay inuu hor istaago rabitaanka shacabka taasina waxay kala horyimaadeen diidmo go’aankii uu ka qaatay hoggaankii markaa jiray,
    Waxaa nasiib darro noqotay in dowladdii Carta ee loo hanwaynaa ay ku horkuftay jilaaftooyin ay maleegan qabqablayaal markaasi awood ku lahaa caasimadda ,
    C/qaasimna dhiniciisa ayuu qayb ka ahaa burburkaa , kadib markuu ka weeciyay maamulkiisa hadafki loo dhisay uuna ka qayb qaatay weerarkii lagu qaaday Kismaayo oo beelaha u dhaxeeyay, tani waxay keentay in shacab waynaha Puntland ay kala laabtaan kalsoonidi ay siiyeen C/qaasim.

    Hordhacaas ka bacdi, xilli taariikheedkan taagan markale ayey reer Puntland waxay cusboonaysiinayaan halganka ay ugu jiraan raadinta dowlad Soomaaliyeed oo shaqaysa, waxayna si la yaab leh oo kal iyo laab ah , qiiro wadaniyadeed ku dheehantahay u soo dhoweeyeen Madaxweyne Maxamed C/laahi Farmaajo. Waxaa iswaydiin mudan , shacabku taageerada intaa le’eg ay umiijiyeen maxaa keenay ? waa maxay farriinta ku dahsoon taageeriddaan soo wada jiidatay indhaha guda iyo dibadba? maxay kusii socon kartaa, maxaase caqabad ku noqan kara?

    Su’aalaahaas iyo kuwa ka badanba waa kuwa ka dhex-guuxaya muwaadin kasta oo jecel rabana inuu arko dowladnimadii oo ka guuleystay fowdada dowlad la’aanta.

    Taageeradaa waxa ay ku timid ka dib marki madaxwaynaha la arkay daacadnimadiisa, niyad wanaagiisa, inay dadka u simanyihiin iyo inay ka go’antahay haybaddii iyo sharaftii ummadda inuu dib u hanto.

    Shacabka Puntland waxay direen farriin xambaarsan dhambaallo wadaniyadeed Inay horumuud u noqonayaan waddo kasta oo saxsan oo dowladnimo lagu baadi goobayo.
    Inaysan aqbalayn mucaarad danayste ah oo shilimaadku uu kala mug weynyihiin Dowladnimada iyo Qaranimada.

    Waxyaalaha fashilin kara maamulkaan oo uu ku waayi karo Madaxwaynuhu shacabiyadda uu ka kasbaday shacab weynaha waxaa ka mida:-

    Asagoo ka run sheegi waaya qorshayaashii uu shacabka la wadaagay oo la yimaada ficillo hareer marsan wixi laysla ogaa.

    Dhulkuu maray Madaxweynuhu waxaa looga baahanyahay horumar mashaariiceed sida waddooyin laamiya, dekado, garoomo diyaaradeed, dugsiyo, isbitaalo, iyo wax allaale wixii dowlad adeeg bixin jirtay haddii laga waayo oo dowladdisu fadhiid ku noqoto Muqdisho ayaduna waxay keenaysaa rajo beel iyo fursad kale oo naga lunta, saas daraadeed bay magaalo kasta uga codsanaysay Madaxweynaha inuu mashaariic u dhagax dhigo.

    Kooxdii kala shaqeysay inuu ku guulaysto Madaxweynanimada, oo ka awood bata madaxwaynaha lana soo baxa qorshayaal u qarsoonaa oo ay ku mashquulaan hanti aruursasho iyo boob , colaadin beeleed iyo u adeegidda dan shisheeye.

    Xiligaan la xardhay qormadaan waxaa dhow Sanad jirsigii xilka Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed C/laahi Farmaajo illaa hadda tubta toosan baan cagta ku haynaa ilaahay waxaan ka rajaynaynaa dowladnimo sax ah iyo caddaalad na wada deeqda.

    Qore: Liibaan Axmed Shire*

    Email: libanaxmed@gmail.com.

    *Agaasimaha Macahadka geeska Afrika ee horumarinta iyo cilmi baarista

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    June 20, 2025

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    June 19, 2025

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    June 19, 2025
    Latest Posts

    Dagaalka Iran iyo Israa’iil oo Maalinkii Lixaad galay.

    Xasan si farsamaysan,ayuu ufuliyay amarkii Beesha Caalamka

    Xeerka la dagaalanka argagaxisada PL oo wax laga badalay

    Maxaa kasoo baxay Shirkii Xasan Shiikh Ee Xamar?

    Baaq ku socda Kufsi wadareedka ka dhacay LC.

    Shirka Bangiyada iyo Maaliyada Puntland oo soo xirmay

    Trump oo ku doodaya Ruushka in lagu daro G-7

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Iran iyo Israa’iil?

    Faallo:-Maxaa dhacaya hadii Maraykanku ku biiro dagaalka Iran?

    Update:-Dagaalka Iran iyo Israa’iil

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.