Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxaan ka fahannay hadalka Ra’iisal Wasaare KHEYRE?
    Somalia

    Maxaan ka fahannay hadalka Ra’iisal Wasaare KHEYRE?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 30, 2020No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waxaa ka muuqata in hadalkii Ra’iisul wasaaraha aysan madaxweynaha iyo asigu isla ogeyn, arintaan uu ku dhawaaqay shalay ee Doorashada oo ay ku kala aragti duwan yihiin, maxaa yeelay warkaan waa war madaxweyne ee ma ahan war Ra’iisul wasaare, sidaas daraadeed haday saas tahay oo aysan isla ogeyn 2 jug oo culus ayaa caawa Madaxweynaha ku dhacday:

    1- In hadii doorasho la aadayo libintii laga qaatay, oo waxaa looga abaal heynaa Ra’iisul wasaaraha, hadii xataa Doorasho dhacdo, maxaa yeelay iyada oo la yaaban yahay oo war laga la’yahay madaxweynaha ayuu asigu ku dhawaaqay weliba iyadoo uu jiro Tuhun weyn oo ahaa in Madaxweynuhu ku darsi rabo oo xilka Ra’iisul wasaaraha uu ku gorgortami rabo.

    2 – Hadii uu ku fikiraayay xoogaa Extension ah liin ayaa looga dhiijiyay oo hadalka Ra’iisul wasaaruhu waa cadyahay ( waa in 4-tii sanaba doorasho dhacdaa) hadal cad, Ra’iisul wasaaraha intii madaxiisa lagu gorgortami lahaa ayuu ka hor dhacay, wuxuuna Madaxweynaha geliyay baxar siyaasadeed oo madaxweynihii wuxuu u muuqanayaa nin doorasho diidan oo laga soo wada horjeesto, Ra’iisul wasaaraha wuxuu u muuqanayaa nin doorasho raba oo wuxuu helayaa taageerada inta Doorasho rabta, sidoo kale wuxuu helayaa jaanis uu dhoolatus siyaasadeed ku sameeyo.

    Dhinaca kale waxaa kaloo hadalka Ra’iisul wasaaraha ku jiray erayga ah ” stakeholdrs” oo inta aan ka warqabay aan Madaxtooyada laga jecleyn lagana diidan yahay waana sababtii xildhibaanadi iyo wasiirradii shirki Puntland aaday oo dowladda uga qeyb galay ka dagaalamayeen oo halaga tiro eraygaas ” stakeholders” war murtiyeedka iyo laga tiri maayo buuqu uga dhacay dartii ay shirka uga baxeen.

    Sababta kalimada “stake holders” ay xasaasiyada uga qabto Madaxtooyadu waxaan isleeyahay waa in Axmed Madoobe iyo Deni soo galayaan iyo xisbiyada mucaaradka ah.

    Ugu danbeyntii Ra’iisul wasaaraha iyo wasiiradiisa, waxaan uga hambalyaynayaa inay gool siyaasadeed ka dhaliyeen madaxtooyada( ضربة معلم ) laakiin muwaajahada soo socota ku tala gala, oo malaha ka bilaaban doonta in “korontada iyo biyaha la iska jarto la isna qaxiyo”! Waa haday jirto in aan leysla socon oo ay u badan tahay sida wax u dhacayaan marka la eego.

    Siyaasiyiinta mucaaradka ah, maamul gobaleedyada mucaaradka ah iyo kuwa baatiyaasha ahaayba, dhamaan waxaa la gudboon inay taageeraan dhawaqa Ra’iisul wasaaraha, gacana ay ka geystaan sidii ay isugu imaan lahaayeen stakeholderska siyaasadda ee dalka.

    Waxaa ceeb ah in la arko siyaasiyiinta ku heybta ah Ra’iisul wasaaraha ee shalay ku qeylinayay doorasho ayaan rabnaa in markii Ra’iisul wasaarihii u bareeray khatarta ku dhawaaqideeda ay daba maraan oo xilkiisi raadsadaan. Jufadi Hawiyaha ee xilkaas siyaasigoodaa asigoo u gaatamaya la arko waa in loo aqoonsado jufadaas haday is cesha waayaan” Gun” aan Gabdhaha laga guursan.

    WQ. Dr. Abdirahman Mohamed Mohamud

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    October 29, 2025

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    October 29, 2025

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    October 29, 2025
    Latest Posts

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    Maalinta dalxiiska Puntland oo sanadkan lagu qabtay Xeebta Mareero

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.