Cabdiweli Maxamed AwYuusuf (Walalac) oo ahaa Xubin muhiim ah oo Daacish ka tirsan,ayaa ugu soo galay Gacanta hay’adaha amniga.
Cabdiweli,wuxuu ahaa……..
- Madaxii Amniyaadka Daacish.
- Madaxii Maaliyada Daacish.
- Madaxii keenista Ajaanibka.
Hawlgalka ka hor,ayuu fariin soo dirsaday oo sheegay in uu nimankaas banaanka ka yahay una baahan yahay in uu isa soo dhiibo.
Cabdiweli,wuxuu ku sugnaa Baadiyaha Xubays oo ay ku ilaalinayeen Sagaal Nin oo Beeshiisa hoose ah,waxaana Maanta laga soo qaaday Balliga Xunbays.
Afar Diyaaradood oo Maraykanku leeyahay,ayaa soo qaaday,waxayna geeyeen Markab Badda taagan.
Markay dhankooda kasoo dhamaystaan,waxay dib ugu soo wareejin doonaan Dowlada PL,sida ay ii xaqiijiyeen Saraakiil ammaan.
Laba Sano kahor Bishan oo kale,ayaa Maraykanku dul dhigay Cabdiweli Madaxiisa Lacag lagu soo qabanayo.
Gacan ku dhigida Ninka oo markii la qabanayay ay la socdeen Laba Nin oo jifidiisa ah,waxay macno weyn uyeelaysaa hawlgalka Calmiskaad,waxayna soo afjaraysaa ku milanka argagixisadu ku milmayso Beelaha.
Waxay kaloo hawlgalka usoo jiidaysaa taageero caalamiya,iyadoo Maraykanku maqsuud ka noqday guushan lagu helay Ninkan muhiimka ah.
Dowlada PL,ayaa ogaanshaheeda,fasaxeeda iyo xiriirinteeda lagu qabtay Ninkan.