Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxay ahaayeen Dableyda Dadka badan ku dishay Burkinafaso?
    Somalia

    Maxay ahaayeen Dableyda Dadka badan ku dishay Burkinafaso?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 14, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Burkina Faso β€”Masuuliyiinta dalka Burkina Faso ayaa Isniintii maanta ahayd sheegay in dablay hubaysani ay woqooyiga dalkaas ku dileen illaa 55 qof, ka dib weeraro iyo rabshado beryahan ka dhacayey dalkan ku yaalla Galbeedka Afrika, taas oo loo aanaynayo inay ka dambeeyaan kooxaha Islaamiyiinta ah ee halkaas ka dagaalama.

    Afhayeen u hadlay dawladda ayaa sheegay in dableyda weerarka geysatay ay bartilmaameedsadeen dad rayid ah oo ku sugnaa magaalada Seytenga ee ku taalla gobolka Sano.

    Inkasta oo aanay jirin koox sheegatay weerarka lagu dilay 55-ka qof, haddana waxaa la aaminsan yahay in dableyda weerarka geystay inay ka tirsan yihiin kooxaha Islaamiyiinta ah ee ka dagaalama gobolkan gaar ahaan kuwa xidhiidhka la leh ururada Al-Qaacida iyo Kooxda Daacish, kuwaas oo beryahan ugu dambeeyey weeraro joogto ah ka geysanayey dalka Burkina Faso.

    Tusaale ahaan weerar ka dhacay magaalada Solhan bishii June ee sannadkii 2021, waxaa kooxaha jihaadiyiintu ay ku dileen ugu yaraan 160 qof.

    Bishii January ee sannadkan ayay ahayd markii ciidamo gadoodsani ay xilka ka tuureen madaxweynihii sida dimoqraadiga ah loo soo doortay, waxaana ciidamada xilka la wareegay ay sheegeen inay wax ka qabanayaan ammaanka sii xumaanaya hase ahaatee rabshadaha ka jira dalkaas ayaa sii kordhay, waxaana dawladdu ay haatan codsanaysaa in loo midoobo kooxaha nabad-diidka ah.

    AP

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    π€π£πšπ§ππšπ‘πš 𝐊𝐚π₯𝐟𝐚𝐝𝐑𝐒𝐠𝐚 πŸ“πŸ•-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π–πšπ€π’π’π₯π₯𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰π₯𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    October 27, 2025

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025
    Latest Posts

    π€π£πšπ§ππšπ‘πš 𝐊𝐚π₯𝐟𝐚𝐝𝐑𝐒𝐠𝐚 πŸ“πŸ•-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨π₯𝐚𝐑𝐚 π–πšπ€π’π’π₯π₯𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰π₯𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.