Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxay isku hayaan Cabdalla Cabdalla iyo hoggaanka Nabad iyo Nolol?
    Somalia

    Maxay isku hayaan Cabdalla Cabdalla iyo hoggaanka Nabad iyo Nolol?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 10, 2018No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Jeneraal Cabdalla Cabdalla oo soo noqday taliye ku xigeenka NISA ayaa maanta waxaa garoonka Muqdisho muddo ku xayiray ciidamo ka tirsan Nabad sugidda Soomaaliya.

    Warar soo baxaya ayaa sheegaya in xanibaadan uu amray taliye xigeenka NISA Fahad Yaasiin Xaaji Daahir, balse arintan waxaa soo faragaliyay masuuliyiin ka tirsan dawladda taa oo keentay in akhirkii uu sii wato safarkiisa Jeneraal Cabdalla Cabdalla.

    Cabdalla Cabdalla ayaa dhawr maalmood ka hor wareegto ka soo baxday xafiiska madaxweynaha Fadaraalka,waxaa looga xayuubiyay garaadihiisii ciidan, iyo kamid ahaanshihiisa hay’adda Nabad sugidda iyo Sirdoonka Qaranka ee NISA.

    Mas’uulkan muddo dhowr sano ah ayuu u shaqeynayay NISA.,waxaana lagu beddelay Fahad Yaasiin oo ahaa agaasimihii madaxtooyada Soomaaliya.

    Dowlada Fadaraalka Somaliya ma sheegin sababta rasmiga ah ee kaliftay in xilka laga qaado,isla markaana laga xayuubiyo darajadisii iyo kasii mid ahaan shihiisa sirdoonka qaranka Jeneral Cabdalla Cabdalla.

    Cabdalla Cabdalla oo la hadlay warbaahinta xilka qaadistiisa kadib,waxuu sheegay in uusan garanayn sababta xilka looga qaaday,waxuuna sheegay in xafiiskiisa la jabsaday ka hor intaan xilka laga qaadin.

    Cabdalla ma ahayn nin lagu yaqaan in uu saxaafada war siiyo.balse wareysi lama filaan ah oo uu siiyay VOA waxuu si qotod heer ugu faahfaahiyay xaalada hay’ada uqaabilsan sirdoonka iyo Nabadsugida dalka ee NISA.

    ”18-kii bilood ee la soo dhaafay ee aan shaqaynayay waxaan ku dadaalay in aan madaxweynaha Fadaraalka mudane Farmaajo aan la dhumin oo aan la go’doomin,oo xaq u yeesho waxa waddanka ka jira in uu la socdo”.ayuu ku yiri waraysigaas Cabdalla Cabdalla.

    Marka laga yimaado doodda ah in aan laga hadli karin sirta amni ee dalka, haddana waxaa jira xuquuqo u ogolaanaya qofka inuu hadli karo, waxaase jira xuduudo celinaya.

    Madaxda amniga ayaa mara dhaar ah in ay xafidi doonaan sirta qaranka, hadii ay ka baxaana, ay micnaheedu tahay in ay ka baxeen “ballantii ay qaadeen”.

    Saraakiill ku xeel dheer arimaha amaanka iyo xeeerarka Ciidanka,ayaa sheegay in ay ahayd in guddi qaran loo saaro arinka sarkaalkan.

    “In kasta oo ay khalad tahay in taliye hore oo amni uu sirta dowladda kala hadlo warbaahinta,haddana sax ma ahan in si fudud darajo ciidan lagu xayuubiyo. Waxay ahayd in guddi qaran uu go’aankaasi gaaro, baaritaan qoto dheer ka dib”,ayuu yiri mid ka mid ah xeeldheerayaashaas..

    Khilaafka Cabdalla Cabdalla iyo Fahad Yaasiin dhexyaala ee gaaray in darajadii iyo xubinimadii Nisa uu waayo Cabdalla Cabdalla,ayaa loo aanaynayaa laba arimood oo kala ah:-

    1.Mid waxay salka ku haysaa xil ka qaadista markaa horaba lagu sameeyay Cabdalla Cabdalla, lamana shaacin waxa kalifay.waxaase xogo hoose oo lagu kalsoonaan karo ay tibaaxayaan in ay si gaar ah isku qabteen Fahad Yaasiin.

    2.Midka labaad waa hadalkii uu warbaahinta siiyey Cabdalla Cabdalla.,kaasoo banaanka keenay xogo badan oo qarsoonaa bulshadana wax badan u iftiinshay,iyadoo waraysigaas ay aad uga caroodeen kooxda Nabad iyo Nolol.

    Waxaa muuqata in sarkaalkan uu la jaanqaadi waayay kooxda Nabad iyo Nolol iyo hogaamiyahooda Fahad Yaasiin,isla markaana uu noqday masuul waxbadan ka ogaaday xogohooda hoose.

    Fahad Yaasiin waa hogaamiye awood badan oo si dadban uga arimiya Vila-Somaliya,isla markaana waa xubin ka tirsan sirdoonka Qadar aadna ugu lug leh arimaha amni ee Somaliya..

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    June 23, 2025

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    June 23, 2025

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.