Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxay ka dhigantahay booqashada dhaxalsuge Maxamed Bin Salmaan ee Britain?
    In this Nov. 11, 2015, photo, Saudi Arabian Deputy Crown Prince Mohammed bin Salman attends a summit of Arab and Latin American leaders in Riyadh, Saudi Arabia. Saudi Arabia said Tuesday, Dec. 15, that 34 nations have agreed to form a new "Islamic military alliance" to fight terrorism with a joint operations center based in the kingdom's capital, Riyadh. Mohammed bin Salman said the new Islamic military coalition will develop mechanisms for working with other countries and international bodies to support counterterrorism efforts. (AP Photo/Hasan Jamali)
    Somalia

    Maxay ka dhigantahay booqashada dhaxalsuge Maxamed Bin Salmaan ee Britain?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 6, 2020No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Waa dhaxalsugaha boqortooyada Sucuudiga, mana ahan madaxa dowladaas, wuxuuna shaqada hayaa 9 bilood ee kaliya.


    Balse sidaas oo ay tahay durba waxa uu kasoo shaacbaxay fagaarayaasha adduunka, wuxuuna todobaadkan booqasho ku tagayaa magaalada London, halkaas oo loogu samaynayo soo dhaweyn heerkeedu sareeyo.

    Maxamed Binu Salmaan wuxuu qado sharaf la gali doonaa boqorada Ingiriiska, wuxuuna la casheyn doonaa Amiir William-ka boqortooyada.
    Xiriirka ka dhaxeeya labada dal waa mid qoto dheer, balse waji cusub yeelanaya kadib markii ay Britain ka baxday midoowga Yurub.


    Ra’isulwasaaraha Britain waxa ay sheegtay in Sucuudiga ay xogo sirdoon ah ay la wadaagaan dalkeeda, taas oo ay xustay in ay hawlo badan oo nabadgalyo ah lagu xaliyo.

    Mid ka mid ah waxyaabaha uu Amiirka ka doonayo Britain ayaa waxaa ka mid ah in uu taageero u helo barnaamijkiisa kobcinta dhaqaalaha ee dalkiisa Sucuudiga, islamarkaasna uu maalgashadayaal badan oo caalami ah u xaqiijiyo moowqifka dowladiisa.


    UK waa ay taageersantahay qorshayaasha isbadalka ee uu la yimid, gaar ahaan moowqifkiisa qunyar socodnimada diinta islaamka ee uu bilaabay hirgalintiisa.


    Dumarka ayaa loo fasaxay in ay baabuurta wadi karaan, islamarkaasna aadi garaan garoomada ciyaaraha si ay usoo daawadaan.

    UK waxa ay Sucuudiga ka rabtaa fursado maalgashi iyo ganacsi, gaar ahaan waxa ay Sucuudiga ka doonayaan in shirkadooda weyn ee shidaalka ee Aramco in saamiyadeeda ay u iib keento suuqa saamiyadda London.


    Dadka qaarkood waxa ay ka walaacsanyihiin in isbadalka ka socda Sucuudiga in si xoog ah loogu qasbo dadka muxaafidka ah ee diintooda ku dhegan, taas oo marka dambe keenta in laga mudaaharaado.

    Dublomaasiyiinta Britain waxaa la sheegay in ay sidoo kale ka walaacsanyihiin siyaasadda arrimaha dibedda ee Maxamed Salmaan, gaar ahaan muranka kala dhaxeeya Ra’isulwasaaraha Lubnaan Sacad Al Xiriiri oo inta uu shaaciyay is casilaadiisa kadibna bil kadibna uu ka laabtay.


    Dadka taxliiliya siyaasada waxa ay sheegayaan in Amiirka uu ku wanaagsanyahay in uu wax bilaabo, balse uusan aqoonin sida loo damiyo xiisadaha.

    Arrinta dagaalka iyo duulaanka xulufada Sucuudiga ee Yemen ayaa iyadana laga wada hadli doonaa, taas oo ay Britain mabda’ ahaan taageereyso, balse ay walaac ka qabto dhiiqada lugaha lala galay.


    Waxaa la’isla jeexjeexi doonaa sidii xal loogu heli lahaa dagaalka Yemen, laguna soo afjari lahaa.

    Sidoo kale arrimaha muranka Qatar iyo isbahaysiga Sucuudiga ayaa miiska lasoo saari doonaa.


    UK waxa ay maanka ku haysaa heshiiska hubka Nuyuukleerka ee Iran lala galay, kaas oo Sucuudiga ay si weyn uga soo horjeedaan.

    Dad u ololeeya xuquuqda aadanaha ayaa qorsheynaya in ay mudaaharaadyo ka dhigaan goobaha uu Amiirka tagayo, si ay u muujiyaan ku qanacsanaan la’aantooda xukuumadda Sucuudiga.


    Labada dal waxaa horey u dhex maray heshiis ku kacaya £4.6 Bilyan oo Sucuudiga ay ku iibsadeen hub iyo saanad ciidan oo ay badankooda u isticmaaleen dagaalka Yemen.

    Xigasho:-BBC.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    June 26, 2025

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    June 26, 2025

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    June 25, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.