Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxay ka taraysaa xiriirka cusub ee Turkiga iyo Srael xaaladda ka taagan Falastiin?
    Somalia

    Maxay ka taraysaa xiriirka cusub ee Turkiga iyo Srael xaaladda ka taagan Falastiin?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 27, 2022No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Yair Lapid ayaa sheegay in dalkiisu uu ” bog cusub” u furayo xidhiidhka uu la leeyahay Ankara, kaddib markii uu magaalada Qudus kula kulmay dhiggiisa Turkiga Mevlut Cavusoglu.

    Sida warbixinta lagu sheegay safarkan ayaa ka dhigan booqashadii ugu horreysay ee wasiir Turki ah uu ku tago Israa’iil 15-kii sano ee la soo dhaafay.

    Balse Chavushoglu iyo Donmez ayaa sida oo kale booqday dhulka Falastiin ka hor inta aysan la kulmin dhiggooda Israel.

    Maalmihii u dambeeyay, Turkiga iyo Israa’iil waxa ay wadeen dadaallo lagu hagaajinayo xidhiidhka labada dal, taas oo loo arko isbeddel weyn oo siyaasadeed.

    Khilaafkii diblumaasiyadeed ee u dhaxeeyay labada dal ayaa soo idlaaday 2016 markii Israa’iil ay ku dhawaaqday in ay magdhow ka bixisay dhacdado dad reer Turki ah oo ciidankeedu dileen kal hore.

    Balse waxaa weli taagan oo caqabad ku ah xidhiiidhka labadan dal xiisadda ka taagan arrinta Falastiin iyo maqaamka magaalada Qudus.

    Turkiga ayaa isku dayay muddooyinkii u danbeeyey inuu hagaajiyo xidhiidhka uu la leeyahay dalal badan oo awood ku leh Bariga Dhexe, ma aha oo kaliya Israel. Waxaana uu dhawaan isku dayday inay wax kabeddelo oo kobciyo xidhiidhkii ay wada lahaayeen Imaaraadka Carabta, Sacuudiga iyo Masar.

    Wakhti xaadirka ah, ma jiro xidhiidh diblomaasiyadeed oo ka dhexeeya labada waddan, kaas oo gaadhsiisan heer safaaradeed. Sanadkii 2018-kii, Turkiga ayaa shaqada ka ceyriyay safiirkii dalkaas ee Turkiga kadib markii ay dhinteen Falastiiniyiin tiro ah, xilligaas ooi ciidamada Israa’iil ay rasaas ku fureen dibadbaxayaal falastiiniyiin ah.

    Chavushoglu ayaa sheegay inuu wadahadal la yeelan doono wasiirka arrimaha dibadda Israa’iil Yer Lapid si dib loogu soo celiyo safiirrada labada dal ay ku kala lahaayeen Istanbul iyo Jerusalem.

    Kala duwanaanshaha dhulka Falastiin iyo maqaamka magaalada Qudus ayaa ahaaa muddo caqabadda hortaagan xidhiidhka dhow ee labada dal. Saraakiisha Turkiga ayaa sheegay in xidhiidhka Israel uusan noqon doonin mid caadi ah oo ay waxyeello ka soo gaarto Falastiin.

    Turkiga ayaa sidoo kale si kulul u cambaareeyay isku dhacyadii dhawaan ka dhacay masjidka Al-Aqsa, wuxuuna ku tilmaamay arrintan mid caqabad ku ah wanaajinta xidhiidhka la kabkabayo.

    Si kastaba ha ahaatee, Turkiga ayaa ka aamusay dilka weriyahii Aljazeera ee Shirin Abu Akleh.

    Mana jirin wax war ah oo ka soo baxay wasaaradiisa arrimaha dibadda, sidoo kale madaxweyne Erdogan ayaan si cad uga hadlin dilkan.

    Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan ayaa sidoo kale sheegay in xidhiidhka siyaasadeed iyo midka dhaqaale ee ay la leeyihiin Israa’iil uu yahay mid ka baxsan arrinta Qudus.Safiirka Falastiin ee Ankara, Fayed Mustafa, ayaa isna u sheegay wargeyska taageera Turkiga ee Sabah bishii May 23-keedii in xidhiidhka ay la leeyihiin Israa’iil dalka Turkigu in lagu ilaaliyo xaalad caadi ah aysan ka dhignayn in la iska indho tiray danaha Falastiin.

    Cavusoglu ayaa sheegay in xiriirka Turkiga iyo Israa’iil oo caadi laga dhigo ay gacan ka geysan doonto sidii nabad loogu soo dabaali lahaa Israa’iiliyiinta iyo Falastiiniyiinta xaaladda ka dhex taagan.

    Bishii Febraayo, afhayeenka madaxtooyada Ibrahim Kalin iyo wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda Sadat Onal ayaa booqasho ku tagay Daanta Galbeed. Kalin ayaa sidoo kale sawir uu ka qaaday ka soo bandhigay afaafka hore ee Masjidka Al-Aqsa.

    Cavusoglu ayaa lagu waday in uu booqdo Masjidka Al-Aqsa ee ku yaal Bariga Quddus la haysto galabnimadii Arbacada, oo ah goobta saddexaad ee Islaamka iyo goobta ay ka dhaceen isku dhacyada soo noqnoqday ee u dhexeeya Falastiiniyiinta iyo booliiska Israa’iil intii lagu jiray bishii barakaysnayd ee Ramadaan. Wuxuuna sheegay inuu arrinta Lapid kala hadlay.

    Cavusoglu iyo al-Maliki ayaa sidoo kale kala saxiixday heshiis kordhinaya mugga ganacsiga Turkiga iyo Falastiin oo gaaraya $2bn, sida uu sheegay wasiirka arrimaha dibadda ee Turkiga

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.