Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxay kawada hadleen Rooble iyo Safiirka Maraykanka ?
    Somalia

    Maxay kawada hadleen Rooble iyo Safiirka Maraykanka ?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 10, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble,ayaa kulan la yeeshay safiirka Dowladda Mareykanka ee Soomaaliya Mudane Larry Andre oo ay ka wada hadleen arrimaha doorashooyinka dalka, iyadoo ay heer gebogebo ah mareyso doorashada xildhibaannada Golaha Shacabka ee BFS.

    Ra’iisu Wasaare Rooble iyo Danjire Andre ayaa ka wada hadlay habsami u socodka doorashada iyagoo isla soo qaaday sida ay lagama maarmaan u tahay in doorashada xildhibaannada Golaha Shacabku ku soo idlaato xilligii ay horay ugu heshiiyeen madaxda Golaha Wadatashiga Qaranka ee 15-ka Maarso.

    Ra’iisul Wasaaraha XFS Maxamed Xuseyn Rooble oo soo dhaweeyay xowliga ay ku socoto doorashada, iyadoo ilaa hadda la doortay 80% xildhibaannada Golaha Shacabka, ayaa dhanka kale sheegay in aan la aqbali karin dib u dhac kale oo doorashada ku yimaada, waxa uuna Ra’iisul Wasaaruhu ka codsaday madaxweyneyaasha dowlad-goboleedyada in ay doorashada soo gebogebeeyaan ugu dambeyn 15-ka Maarso sidii horay loogu heshiiyay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.