Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Maxay la wadaageen Wasaarada Amniga iyo Taliska Booliska PL Gudiga joogtada ah Ee Baarlamaanka ?
    Puntland

    Maxay la wadaageen Wasaarada Amniga iyo Taliska Booliska PL Gudiga joogtada ah Ee Baarlamaanka ?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 13, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garowe, May 13, 2024: Guddoomiyaha Golaha Wakiillada Dawladda Puntland Mudane,Cabdirisaaq Axmed Siciid oo ay weheliyaan Guddoomiye ku-xigeenka 1-aad ee Golaha Wakiillada Mudane,Maxamed Baarri Shire iyo Guddoomiye ku-xigeenka 2-aad Mudane,Maxamed Maxamuud Cisse,ayaa shir-guddoomiyey fadhiga 5-aad ee Guddiga Joogtada ah.

    Fadhiga maanta waxaa Guddiga Joogtada ah hor yimi Wasiirada Wasaaradda Amniga iyo DDR-ta, Arrimaha Gudaha Federaalka & Dimuqraadiyadda, Wasiiru dawlaha Wasaaradda Amniga, Agaasimaha Guud ee Wasaarada Amniga, Taliyaha Ciidanka Booliska, Duqa Degmada Garowe, Taliyaha Qeybta Gobolka Nugaal, Taliyaha Baarista Denbiyada Gobolka Nugaal iyo mas’uuliyiin kale, iyaga oo golaha la wadaagay warbixin ku saabsan xaaladda Amniga dalka, waxqabadka ciidanka, caqabadaha jira iyo qorshaha horumarinta Amniga.

    Guddiga Joogtada ah,ayaa su’aalo ka weydiiyey natiijadii ka soo baxday kormeer iyo joogteyn ay guddiyadu Goluhu ay ku tageen saldhiyada magaalada Garowe, kaasoo u jeeddadiisu ahayd la socodka habsami u socdka shaqada Saldhigyada u kuurgelidda baahiyaha jira iyo sidii looga gudbi lahaa.

    Dood iyo falanqeyn dheer kadib oo mas’uuliyihiintu ka yeesheen arrimahaas waxay isla qaateen in la xoojiyo wada shaqeynta hay’adaha Amniga, horumarinta iyo teyeynta ciidanka Booliska, ilaalinta sharciga iyo u adeegidda shacabka.

    Ugu dambayn, guddiga joogtada ahi waxay mas’uuliyiinta kula dar-daarmeen in qorshe cad laga yeesho sidii horumar la taaban karo looga gaari lahaa Amniga Caasimadda iyo guud ahaan Puntland, waxayna ballanqaadeen in ay korjoogteyn ku samaynayaan hay’adda dawladda, si loo xaqiijiyo waxqabadkooda, iyagoo u mahadceliyey guud ahaan ciidanka Puntland iyo shaqada ay dalka u hayaan.

    DHAMMAAD
    Xafiiska Warfaafinta & Wacyi-gelinta,
    Golaha Wakiillada Dawladda Puntland

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.