Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxay tahay danaynta caalamka Ee Dekedaha Somaliya?
    Somalia

    Maxay tahay danaynta caalamka Ee Dekedaha Somaliya?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 4, 2018Updated:July 4, 2018No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Waxaa isa soo taraya tirada dalalka danaynaya in ay maamulaan dekada Soomaaliya , taas oo mararka qaar horseeday xasarad dublamaasiyadeed maadaamaa dalalka ka mid ah kuwa dekadaha raba aad isugu dhacsanyihiin.
     
    Dalkii ugu dambeeyay ee soo bandhigay damaca ay uu ka qabo dekedaha waa Qatar, kaas oo wafti heer sare ah oo wasaaradda dekadaha ka socday usoo diray Soomaaliya, kuwaas oo kulamo la qaatay Ra’isulwasaare Xassan Cali Kheyre.
     
    Sida lagu faafiyay warbaahinta dowladda, socdaalka waftiga ayaa ahaa mid kormeer ah kadib heshiisyo ay horey u wada galeen madaxweyne Maxamed Cabdullaahi Farmaajo iyo madaxda dowladda Qatar mar uu madaxweynaha tagay magaalada Dooxa.
     
    Ra’isulwasaare Kheyre oo waftiga la hadlay ayaa laga soo xigtay in uu sheegay in ay Soomaaliya u furantahay cid kasta oo doonaysa in ay maalgashi ku samayso dekadaha Soomaaliya.
    Waftiga ka socday dawlada Qatar ayaa maanta booqasho ku tagey magaalada Hobyo ee Gobolka Mudug.

    Wafdigan ayaa wararku sheegayaan inay danaynayaan maalgashi la xiriira dekedda magaalada Hobyo.

     
    Dalalka Kale ee dekada danaynaya”
     
    Illaa iyo hadda waxaa heshiisyo dhaqangalay iyo kuwa aanan wali dhaqangalin lala galay illaa 3 dhinac oo isugu jira shirkado iyo dowladdo.
     
    Shirkad laga leeyahay dalka Turkiga, Al Beyraak, ayaa muddo sanooyin ah maamulaysa dekada weyn ee Muqdisho, taas oo ah tan ugu weyn Soomaaliya.
     
    Shirkad kale oo laga leeyahay dalka Imaaraatka oo magaceedu yahay DP World ayaa heshiisyo la saxiixatay maamulada Somaliland iyo Puntland , waxayna la wareegtay maamulka dekadaha Berbera iyo Boosaaso.
     
    Inkasta oo ay heshiisyadaasi diidday dowladda Federaalka Soomaaliya, haddane madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa Ra’isulwasaaraha Itoobiya Dr Abiy Axmed kula heshiiyay in Itoobiya ay maalgashato 4 dekadood oo ku yaala Soomaaliya.
     
    Itoobiya ayaa horey saami 19% ah ku lahayd dekada Berbera, kaas oo ay ka iibsatay shirkadda DP World, lamana oga in labada hoggaamiye ay isla meel dhigeen arrinkaas iyo in kale.
     
    Sababta ugu weyn ee dalalkani ay ugu kala loolamayaan dekadaha Soomaaliya ayaa ah meesha ay adduunka kaga taalo, taas oo ah meel muhiim ah, islamarkaasna uu maro ganacsiga adduunka intiisa badan.
     
    Hase yeeshee dalalka qaar sida Itoobiya oo aan lahayn bad, waxa ay dekada Soomaaliya u qabtaa baahi rasmi ah, waxayna rabtaa in ay kala soo dagaan badeecooyinka tirad badan ee dibedda uga yimaadda ama waxyaabaha ay dhoofiso.
     
    Waxaase dad badan walwal ku haya danaha is diinin ee dalalkan ay leeyihiin ama xiriirka xun eek a wada dhaxeeya, sida Qatar iyo Imaaraatka oo kale. Waxaa la’isweeydiinayaa illaa heerka arrimahan ay saamayn ku yeelan karaan danaha Soomaaliya.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    August 26, 2025

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    August 26, 2025

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.