Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxay tahay sababta Xamaas looga mamnuucay Uk?
    Somalia

    Maxay tahay sababta Xamaas looga mamnuucay Uk?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 20, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xoghayaha arrimaha gudaha Britain, Priti Patel, ayaa Jimcihii sheegtay inay mamnuucday kooxda Falastiiniyiinta ee Xamaas, tallaabadaas oo ka dhigtay mawqifka UK ee ku aadaan maamulayaasha Marinka Gaza inay la jaanqaadeyso go’aankii Maraykanka iyo Midowga Yurub.

    “Xamas waxay leedahay awood weyn oo argagixisanimo, oo ay ku jiraan inay helaan hub aad u ballaaran oo casri ah, iyo sidoo kale xarumo lagu tababaro argagixisada,” ayay Patel ku tiri hadal ay soo saartay. “Taasi waa sababta aan maanta go’aankan u qaatay si aan Xamaas u mamnuuco gebi ahaanba.” ayay sii raacisay.

    Ururkan Xamaas ayaa mamnuucistiisa loo cuskaday sharciga Argagaxisada ee Uk, waxaana qof kasta oo taageero u muujiya, calankiisa qaata ama u qabanqaabiya shirar uu noqonayo mid jabinaya sharcigaas, sida ay xaqiijiyay Wasaaradda Arrimaha Gudaha.

    Patel ayaa la filayaa inay Baarlamaanka horgeyso isbeddelkan toddobaadka soo socda.

    Xamaas waxay leedahay garbo siyaasadeed iyo mid ciidan. Waxaa la aasaasay 1987, waxayna ka soo horjeeddaa jiritaanka Israa’iil iyo wadahadal nabadeed, taas beddelkeeda waxay u ololaynaysaa ” iska caabin hubaysan” oo ka dhan ah qabsashada Israel ee dhulka Falastiin.

    Wixii xilligan ka horreeyay Britain waxa ay mamnuucday oo kaliya cududdeeda milatari ee guutada Izz al-Din al-Qassam Brigades.

    Sami Abu Zuhri oo ah sarkaal dhinaca siyaasadda ah oo ka tirsan ururka Xamaas ayaa sheegay in tallaabada Britain ay muujinayso “in ay si buuxda ugu xaglinayso Israa’iil, ayna u hoggaansantay handadaadaha iyo amarrada Israa’iil.”

    Ergada Falastiin ee UK, oo wakiil ka ah maamulka Falastiin ee Madaxweyne Maxamuud Cabaas ee ay reer galbeedku taageeraan, ayaa sidoo kale cambaareeyay tallaabadan.

    Ra’iisul wasaaraha Israa’iil Naftali Bennett ayaa soo dhaweeyay go’aankan, isaga oo Xamaas ku tilmaamay ‘argagixiso”.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    October 29, 2025

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    October 29, 2025

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    October 29, 2025
    Latest Posts

    Xog:-Yaa saaray cadaadiska uu ku aaday Jabuti Suldaan Siciid?

    Faallo:-Loolankii PL iyo Carta rubuc qarni ka hor dhexmaray?

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Baallade Ee Buurta Calmiskaad

    Maalinta dalxiiska Puntland oo sanadkan lagu qabtay Xeebta Mareero

    Faallo:-Islaan Bashiir oo iska diiday casuumadii Geelle

    Xog:-Maxaa kasoo baxay kulankii Reer Mudug iyo Madaxweyne Deni

    Madaxweyne Deni oo kala diray Maxkamada Ciidamada Qalabka sida Ee PL

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.