Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxay tahay Ujeedada socdaalka Axmed Madoobe ee Boosaaso ? (VIDEO+Sawirro )
    Somalia

    Maxay tahay Ujeedada socdaalka Axmed Madoobe ee Boosaaso ? (VIDEO+Sawirro )

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJanuary 16, 2020Updated:January 16, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam iyo wafdi uu hoggaaminayo, ayaa maanta soo gaaray Magaalada Boosaaso ee xarunta ganacsiga Puntland, waxaana garoonka diyaaradaha Boosaaso ku soo dhaweeyay Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, xubno kamid ah labada gole ee Dowladda. Maamulka Gobalka, kan Degmada, Waxgarad, Siyaasiyiin iyo boqolaal shacab ah.

    Madaxweynaha Puntland ayaa uga mahad-celiyay Madaxweyne Axmed Madoobe safarkiisa Boosaaso oo ah kii ugu horeeyay ee uu ku yimaado intii uu xilka hayay, waxaana uu sheegay in Dowladda Puntland ay ka go’an tahay garab istaaga Xukuumadda iyo Shacabka Jubbaland, oo ay ka dhexeyso walaalnimo iyo iskaashi buuxa.

    https://youtu.be/Q5ZosggZIA0

    Madaxweynaha Jubaland Mudane Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe), ayaa sheegay inuu aad ugu faraxsan yahay safarkiisa Boosaaso oo ah, halka saldhiga u aheyd dhismaha Soomaaliya cusub, isagoona u mahad-celiyay Madaxweynaha iyo shacabka Puntland, gaar ahaan kuwa Boosaaso.

    Axmed Madoobe ayaa sheegay in safarkiisa Boosaaso uu ku qotomo sidii ay wada-tashi ku saabsan xaalada Soomaaliya, gaar ahaan dhinacyada amniga iyo Siyaasadda u yeelan lahaayeen Madaxweynaha Puntland Dr. Siciid Cabdullaahi Deni, gaar ahaan doorashada 2020/2021 iyo dagaalka Madaxda Dowladda Federaalka ay kula jiraan nidaamka Federaalka ee Soomaalidu ku heshiisay.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.