Tallaabooyinka ay tahay in la qaado?
- Warqad Shirkan lagu xaarantimaynayo futitaankiisa iyo waxa kasoo baxa,waa khasab in lasoo saaro.
- Gudoomiyaha G.Sool in la Magacaabo oo waliba la siiyo Beesha Bah- ararsame.
- M.xigeenka in uu booqasho ku maro Boocame,Taleex iyo Deegaamada ku teedsan.
- Buuhoodle in uu gaaro Gudoomiyaha cusub ee Cayn,lana aqoonsado Garaadka cusub ee Reer Hagar.
- Qorshe guud oo lagula dirirayo Jamhada Sool Bari ee Shirku ufurmay in la diyaariyo oo lagala Shaqeeyo…
B. SL.
T. UK & USA.
J. Itoobiya iyo Imaaraadka.
- Mushaaraadka iyo Dhaqaalaha naga aada Sool Bari in dib u eegis lagu sameeyo.
Albaab kasta oo naga xirnaa JSB,ayaa noo furtay ee waa in aan ka faa’idaysanaa oo kula dirirnaa.
Guusha ugu weyn ee aan gaarnay Saakay,waa…..
B. Shacabka,Dhaqanka iyo Siyaasiyiibta Beelweynta Daarood oo PL ku taageersan soo afjaruda JSB ee Xasan samaystay.
T. Shacabka iyo Dhaqanka Beesha Majeerteen oo ku midaysan garab istaaga Dowlada ee iska dhicinta JSB ee Xasan soo dilindileeyay.
J. Shacabka iyo Dhaqanka Beesha Warsangeli oo 100% muujiyay Puntlandernimadooda kana dhiidhiyay ilhaamada lagula kacay oo nagu garab taagan loolanka Xasan Shiikh iyo Jamhadiisa Sool Bari.
Dalkan,waxaan isku haynaa masiirkiisa Xasan Shiikh iyo Dowladiisa,Jamhada Sool Bari,waa mid ka mid ah Fuustooyinka uu nagu soo riixay oo uu nagula loolamayo,waana ka adkaanaynaa.