Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxay yihiin TPP Ama Taalibaanka Pakistaan?
    Somalia

    Maxay yihiin TPP Ama Taalibaanka Pakistaan?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 30, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    TTP,waxaa loogu yeeraa Taalibaanka Pakistan.

    Waxaa jira kooxo yaryar oo badan oo hoos yimaada Ururkan oo la sameeyay 2007.

    Tehreek-e-Taliban Pakistan,ayaa 14-kii sano ee ugu danbeeyay u dagaalamaysay sidii dalkaas looga dhaqangelin lahaa ku dhaqanka shareecada Islaamka.

    TTP,ayaa doonaysa in Dowladdu ay sii deyso xubnaha u xiran, isla markaana ay yareyso joogitaanka ciidamada ee deegaannadii ay markii hore joogi jireen.

    Maadaama TTP ay ku hawlan tahay in ay sare u qaaddo awooddeeda aagaggaas, ma rabto in ciidan laga helo meelahaas.

    TTP waxa ay doonaysaa in ay xukunkeeda ku maamusho deegaannadaas, sababtaas awgeed ciidanku waxa ay sii wadaan in ay iska hor-imaadyo dhexmaraan.

    Wariye sare Saqlain Imam ayaa leh, โ€œTehreek-e-Taliban Pakistan ma aha hal Urur,waxaa ku jira kooxo yaryar oo badan,waxay doonaysaa in la dhimo saamaynta Pakistan ee FATA iyo gobolka Khyber Pakhtunkhwa ee dalka. Dowladda Pakistan-na waxay dooneysaa inay dejiso oo ay yareyso saameyntooda”.

    Waxa uu yiri, “Tani, waxay sidoo kale bilowday dejinta xubnaha TTP ee Swat, Bajaur iyo Kurram, laakiin halkaas waxaa ka bilaabatay inay isku dhacaan dadka ka soo jeeda beelaha laga tirada badan yahay sida Shia Pathans. TTP ayaa sidoo kale bilowday beegsiga beelaha laga tirada badan yahay,Taasi oo ay keentay in Dowladda Pakistan ay mar kale ka istaagto goโ€™aan adag arrintaa.

    Guud ahaan, TTP waxa ay doonaysaa in ay Pakistan ka samayso boqortooyo Islaami ah. Taas awgeed waa in Ururkan uu afgembiyaa dawladda Pakistan ee hadda jirta. Marka waxaa hubaal ah in iska horimaadyada Ciidamada Dowladda iyo kooxdan ay dhacayaan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.