Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxkamad ku taala Turkiga oo xukun ku ridday dad isku dayay iney dilaan madaxweyne Erdogan
    Somalia

    Maxkamad ku taala Turkiga oo xukun ku ridday dad isku dayay iney dilaan madaxweyne Erdogan

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.October 5, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maxkamad ku taalo dalka Turkiga ayaa xukun ku riday 40-Qof oo lagu helay danbi ah iney qorsheynayeen shirqool lagu dili rabay madaxweynaha dalkaasi Recep Tayyib Erdodan intii lagu guda jiray Afganbigii dhicisoobay ee dhacay sanadkii la soo dhaafay.

    ย 31-Eedeysanayaal oo ay ku jiraan saraakiil sar sare ayaa midkiiba maxkamada ay ku xukuntay xabsi daaโ€™inย ,waxaana xukunka uu ka dhacay maxkamad ku taalo magaalada Magula ee dhacda Koonfur Galbeed dalkaasi Turkiga,sida ay qortay Wakaalada Wararka ee sida gaar ah loo leeyahay ee Dogan.

    Magaalada Magula ayaa ah magaalo loo tamashleyn tago halkaasi madaxweyne Erdogan iyo qaar ka mid ah qoyskiisa ay si dirqi ah kaga baxsadeen kooxo isa soo abaabulay oo ku weeraray Hotel uu ka deganaa magaaladaasi habeenkii uu socday howlgal lagu doonayay in lagu majaxaabiyo Dowladda uu hogaamiyo bishii July 15, 2016.

    Dadka xukunka lagu riday waxaa ka mid ah Gokhan Sahin Sonmezates oo ahaa sarkaal sare hore uga tirsanaa Ciidamada Turkiga kaasoo lagu eedeeyay inuu hogaaminayay Qorshaha shirqool, iyo Taliye hore oo lagu magacaabo Zekeriya Kuzu oo ahaa sarkaal caan ah oo mudo afar maalmood ah ay raadinayeen Ciidamada Turkiga Afganbigii dhicisoobay ka dib.

    Badi dadka xukunka lagu riday waxay u badan yihiin saraakiil hore,islamarkaana doonayay iney qaarijiyaan madaxweyne Erdogan inta uu howlgalka Afganbi uu socday ,balse markii danbe laga guuleystay.

    Inta uu socday Afganbiga fashilmay ayaa waxaa ku dhintay dad badan oo isugu jira Shacab difaacayay Dowladdooda,Ciidan iyo walba qaar ka mid ah dadkii soo abaabulay Qorshaha Afganbi.

    Dowladda uu hogaamiyo madaxweyne Erdogan ayaa wacad ku martay iney cadaalada horkeeneyso shaqsiyaadkii ka danbeeyay qorshaha lagu doonayay in lagu Afganbiyo Dowladda Dimuqraadiga ee dalkaasi Turkiga.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.