Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Maxkamada Caalamiga ah oo yeelatay Madaxweyne cusub
    Somalia

    Maxkamada Caalamiga ah oo yeelatay Madaxweyne cusub

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 9, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Maxkamadda Caalamga ah ee Garsoorka ICJ ayaa dooratay madaxweyne cusub oo xilka hayn doona saddexda sano ee soo socota, sida lagu sheegay war saxaafadeed kasoo baxay Maxkamadda.

    Madaxweynaha cusub ayaa ah gabadha xaakimka ah ee u dhalatay dalkan Maraykanka ee lagu magacaabo Joan E. Donoghue.

    Xaakim Joan Donoghue ayaa xilkan kala wareegaysa xaakimka Cabdulqawi Axmed Yuusuf oo u dhashay Soomaaliya. Xaakimka u dhalatay dalka Ruushka ee lagu magacaabo Kirill Gevorgian ayaa sidoo kale loo doortay madaxweyne ku xigeenka maxkamadda.

    Maxkamadda Caalamiga ah ee Garsoorka ayaa qaadda dacwadaha iyo muranada heerka caalamiga ah ee u dhexeeya dawladaha, waxaana maxkamaddan ay hoostagtaa Qaramada Midoobay iyadoo la aasaasay sannadkii 1945-tii.

    Maxkamaddan ayaa bisha dambe dhagaysan doonta kiiska badda ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Kenya. Dacwdadan ayaa dhagaysigeedu soconayaa inta u daxaysa 15-19 bisha Maarso ee soo socota.

    Garsoorayaasha dawcaddan dhagaysan doona ayaa tiradoodu dhan tahay 15, waxayna kala yihiin: Joan E. Donoghue (Maraykan) Kirill Gevorgian (Ruush) Peter Tomka (Slovakia) Ronny Abraham (Faransiis) Mohamed Bennouna (Morooko) Antônio Augusto Cançado Trindade (Barazil)Cabdulqawi Axmed Yuusuf (Soomaaliya) Xue Hanqin (Shiinaha) Julia Sebutinde (Uganda) Dalveer Bhandari (Hindiya) Patrick Lipton Robinson (Jamayka) James Richard Crawford (Australia) Nawaf Salam (Lubnaan) Iwasawa Yuji (Japan) Georg Nolte (Jarmalka).

    VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    December 17, 2025

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    December 17, 2025

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    December 17, 2025
    Latest Posts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    African Development Fund approves $23 million to boost clean energy access in Bosaso, Somalia

    Maxaa looga xaajoonayaa kulanka Kismaayo?

    Madaxweyne Deni iyo wefti uu hogaaminayo oo gaaray Kismaayo

    AN ALARMING SECURITY PROSPECT IN SOMALIAStrategic Miscalculations, Insurgent Encirclement, and the Risk of Regional Conflagration

    Xog:-Xiriirka iyo wadashayanta Alshabaab iyo Xasan Shiikh??

    Xog:-Imaanshaha Farmaajo Ee Xamar yaa ka danbeeya?

    Faallo:-Isbadalada ka dhacay Sudan,Yemen,Libiya iyo saamaynta Somaliya?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.