Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»MBS oo noqday ra’isalwasaaraha Boqortooyada Sacuudiga
    Somalia

    MBS oo noqday ra’isalwasaaraha Boqortooyada Sacuudiga

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 28, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Boqorka Sacuudiga, Salmaan Bin C/casiis,ayaa Wiilkiisa, ahna dhaxal-sugaha Maxamed Bin Salmaan u magacaabay Raโ€™iisul Wasaaraha Boqortooyada, halka Wiilkiisa labaad Amiir Khalid uu u magacaabay Wasiirka Gaashaandhigga, sida lagu sheegay wareegto kasoo baxday boqortooyada Talaadadii.

    Isku shaandheyntan,ayaa Wiil kale oo lagu magacaabo, Amiir Abdulaziz bin Salman, laga dhigay wasiirka tamarta, sida Boqorka da’da ah uu ku yiri wareegtada boqortooyada, oo ay baahisay wakaaladda wararka ee SPA.

    Wasiirka arrimaha dibedda Amiir Faisal bin Farhan Al Saud, Wasiirka Maaliyadda Mohammed al-Jadaan iyo Wasiirka Maalgashiga Khalid al-Falih ayaa kusoo noqday boosaskooda, sida ay muujineyso wareegtan.

    Dhaxal sugaha, oo loo yaqaan MbS, ayaa laga dalacsiiyay wasiirka gaashaandhigga, waxaana uu ahaa hoggaamiyaha dhabta ah ee dalka dhoofinta saliidda ugu weyn adduunka, ahna saaxiibka ugu weyn Mareykanka ee Bariga Dhexe.

    Masโ€™uul ka tirsan Sacuudiga ayaa sheegay in xilka cusub ee Raโ€™iisul wasaaraha uu yahay mid la jaan qaadaya shaqooyinkii iyo masuuliyaddii hore ee boqorka oo ay ka mid yihiin inuu Boqortooyada u matalo booqashooyinka dibadda iyo shir-guddoonka shirarka ay martigelineyso Boqortooyada Sacuudiga.

    Amiir Khalid bin Salman, oo ah walaalka ka yar MbS, ayaa horay u soo noqday wasiir ku xigeenka gaashaandhigga.

    Reuters.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.