Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Midowga Yurub oo ciqaab ‘aan horey loo arag’ ugu hanjabay Russia kadib weerarkii Ukraine
    Somalia

    Midowga Yurub oo ciqaab ‘aan horey loo arag’ ugu hanjabay Russia kadib weerarkii Ukraine

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 24, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link


    Russia waxay wajaheysaa “go’doomin aan horey loo arag” sababo la xiriira weerarka ay ku qaaday Ukraine, waxaana la saari doonaa “cunaqabateynadii ugu xoogganaa” ee Midowga Yurub uu soo rogo abid, waxaa sidaas yiri madax siyaasadda arrimaha dibedda ururkan, Josep Borrel.

    “Tani ma ahan su’aal ururo. Tani ma ahan su’aal cayaar awood diblomaasiyadeed. Tani waa arrin nolol iyo geeri ah. Tani waa mustaqbalka bulshadeena,” ayuu yiri.

    Madaxa Guddiga Midowga Yurub, Ursula von der Leyen, oo ka dhinac hadleysay, ayaa iyana sheegay in xayiraadaha cusub ee ka dhanka ah Ruushka lagu go’aamin doono shir deg deg ah oo maanta dhacaya.

    “Waxaan wiiqi doonnaa aas-aaska dhaqaalaha Ruushka iyo awoodda ay u leedahay inay horumarto,” ayey tiri.

    Ursula ayaa sheegtay in cunaqabateynadan weyn ay beegsan doonaan qeybaha kala duwan ee dhaqaalaha Ruushka, lagana xanibi doono suuqyada Yurub, ayada oo sidoo kalena la hakin doono hantida Ruushka ee Midowga Yurub.

    “Xayiraadahan waxaa loo naqshadeeyey inay dhaawac xooggan gaarsiiyaan danaha Kremlin-ka iyo awoodda ay uleedahay inay maal-geliso dagaal.”

    Waxay sheegtay in ciidamada Ruushka “ay qabsadeen Ukraine,” ayaga oo soo dhaafay xadkii ay Reer Galbeedka kusoo rogi lahaayeen xayiraadaha.
    Russia ma beegsaneyso oo kaliya Ukraine, ayey tiri.

    “Bartilmaameedka waa xasilloonida Yurub iyo nabadda caalamka oo idil. Waana kula xisaabtami doonnaa Putin taas.”

    Borrel ayaa yiri “Kuwani waxay ka mid yihiin saacadihii ugu madoobaa Yurub tan iyo dhammaadkii Dagaalkii Labaad ee Adduunka.”

    Waxa uu sheegay in weerarka Russia ay ku qaaday deriskeeda “aysan xadgudub ku aheyn kaliya xeerarka caalamiga ah, balse ay sidoo kale xadgudub ku tahay mabaadi’da wada noolaasho ee bani’aadaamka.”

    Waxa uu intaas ku daray in Midowga Yurub ay diyaarinayaan kaalmo deg deg ah oo la siiyo Ukraine iyo howlgal daad-gureyn ah oo ay qeyb ka tahay in shaqaalaha ururka laga soo qaado goobaha ay saameeyeen weerarada.

    Borrel iyo von der Leyen ayaa labaduba xoojiyey in Midowga Yurub ay dhinac taagan yihiin shacabka Ukraine.

    Xigasho:-VOA

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    October 27, 2025

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025
    Latest Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.