Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Midwoga Africa Oo ka hadlay qaraxyadii Muqdisho Ee mataana ahaa
    Somalia

    Midwoga Africa Oo ka hadlay qaraxyadii Muqdisho Ee mataana ahaa

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.February 26, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Wakiilka Gaarka ah ee Midowga Afrika u fadhiya Soomaaliya, Francisco Caetano Madeira, ayaa si adag u cambaareeyay labadii qarax ee maalintii Jimcihii ka dhacay magaalada Muqdisho oo ay ku dhinteen dad gaadhaya afartameeyo.
     
    Danjiraha ayaa war saxaafadeed uu soo saaray ku sheegay inuu tacsi tiiraanyo leh u dirayo ehellada dadkii ku waxyeeloobay weeraradaasi ay gaysteen maleeshiyada ururka Al-Shabab, kuwaas oo looga dan lahaa, ayuu yiri, in argagax lagu abuuro bulshada. AMISOM waxaa ay si xooggan u cambaareyneysaa weerarkan, waxaa ayna mar kale dib u xaqiijineysaa go’aankeeda ah in ay si dhow ula shaqeyso Ciidamada Ammaanka ee Soomaaliya si Soomaaliya looga xorreeyo xagjirka iyo argagixisada – ayuu yiri Madeira.
     
    Dhinaca kale Danjire Madeira waxa uu ka hadlay shil ay ku lug lahaayeen ciidamada Midowga Afrika oo ka dhacay bar kontorool oo ku taalla Lambar 4, kaasi oo ay ku dhinteen labo ka tirsan ciidamada dawladda Soomaaliya ayna ku dhaawacmeen lix qof oo kale oo laba ay ka tirsanaayeen ciidamada halka inta kalena ay rayid ahaayeen, sida ay sheegeen warar dhinaca amniga ah.
    Ilo wareed lagu kalsoonaan karo,yaa sheegaya in ciidamada AMISOM ay rasaas ku fureen ciidamada nabadsugidda Soomaaliya oo ku sugnaa bar kontorool kuwaasi oo amar ku qabay inay hubiyaan dhammaan gaadiidka galaya garoonka diyaaradaha xilligaasi oo ay jirtay xaalad amni oo culus oo ka dhalatay weerarkii ay habeenkii jimcihii Al-Shabaab ka gaysatay Muqdisho.
     
    Ciidamada dawladda ayaa ilo wareedyadu sheegayaan inay u sheegeen ciidamada AMISOM inay ka galaan albaab kale oo loo asteeyey, kadibna uu muran dhashay taasi oo keentay in rasaas la furo.
     
    Danjire Madeira oo war saxaafadeedka uu soo saaray kaga hadlayey shilkaasi ayaa sheegay in ciidamada AMISOM oo qaaday dad ku dhaawacmay weerarka Al-Shabaab ay ku lug yeesheen dhacdo ka dhacday bar-kontarool ay leedahay NISA oo u dhow KM4. Waxa uu sheegay in dhacdadaasi haatan baaritaan ay ku wadaaan Dowladda Federaalka ah ee Soomaaliya iyo AMISOM, mana bixin faahfaahin intaas dhaafsiisan.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.