Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Militariga Suudaan oo dib u soo celinaya Ra’isul Wasaarihii xilka laga tuuray
    Somalia

    Militariga Suudaan oo dib u soo celinaya Ra’isul Wasaarihii xilka laga tuuray

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 21, 2021No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Sida uu Wakaaladda Wararka ee Reuters u sheegay Fadlallah Burma Nasir oo ah Madaxa Xisbiga Ummadda ee dalka Suudaan, millateriga Suudaan ay qorsheynaya inay dib u soo celiyaan Ra’isul Wasaaraha xilka laga tuuray ee Abdalla Hamdok, kaddib heshiis laga gaaray xaaladda dalkaas.

    Hamdok ayaa xabsi guri la galiyay markii militarigu ay la wareegeen talada 25-kii Octobar, taasi oo meesha ka saartay isbedelkii dhanka dimoqraadiyadda ee lagu heshiiyey, kadib ridistii xukunkii dheeraa ee Cumar al-Bashiir ee sanadkii 2019-kii.

    Nasir ayaa sheegay in Hamdok uu soo dhisi doonaa gole wasiiro oo madax-bannaan, isla markaanaa uu heshiiska ay gaareen Militariga iyo xisbiyada siyaasadda uu dhigayo in dhammaan maxaabiista siyaasadeed lagu sii dayn doonaa.

    Dibad-baxyo rabshado wata ayaa Sudan ka dhacay toddobaadyadii ugu dambeeyay, kuwaas oo lagu dalbanayay in xukunka dib loogu soo celiyo xukuumadda rayidka ah ee uu hoggaaminayay Ra’isul Wasaare Hamdok.

    Ciidmada Amniga ayaaa lagu eedeeyay toddobaadkii hore inay dileen ilaa 15 qof oo dibad-baxayaal ahaa, hase yeshee hoggaamiyaha Militariga General Abdel Fattah al-Burhaan ayaa dafiray inay dileen dad shacab ah.

    Mareykanka iyo Midowga Africa ayaa maalmihii la soo dhaafay waday dadaallo xal looga looga gaarayo xiissadda Sudan.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    June 28, 2025

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    June 26, 2025

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    June 26, 2025
    Latest Posts

    X9G:-Safarka Madaxweyne Deni Ee Gobolka Mudug

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.