Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Miyaa lagu xadgudbay Xaawo Caad?
    Somalia

    Miyaa lagu xadgudbay Xaawo Caad?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 18, 2019No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Qaar ka mid ah warbaahinta caalamka ayaa shaaciyay war ku saabsan in ruqsadii wadista gaadiidka ee gudaha Australia lagala noqday haweeney Soomaali ah oo ka shaqeyn jirtay tagsi, kadib markii ay ku tuhamatay shuruucda, balse isla haweeneydan oo BBC-da la hadashay ayaa beenisay eedeymahaas.

    Xaawo Faarax Caad, oo ka shaqeysa magaalada Melbourne, ayaa lagu soo warramay in laga mamnuucay kaxeynta tagaasida, arrintaas oo la sheegay inay ku muteysatay markii ay qof indhaha la’ oo gaarigeeda soo raacay weydiisay jihooyinka magaalada.

    Waxaa kale oo la shaaciyay inay si khalad ah uga gudubtay calaamadaha casaanka ah ee loogu talogalay in lagu hakado isla markaana ay diidday in ay aqbasho ganaax lagu soo rogay.

    Xaawo ayaa lagu dhaliilay inay tilmaan weydiisay qof aan waxba arkin, sidoo kalena aysan aqoon u lahayn aaladda casriga ah ee dadka hagta ee la yiraahdo GPS ama Google Map.

    Hase yeeshee, wareysi ay siisay laanta Af-Soomaaliga ee BBC-da ayey ku beenisay dhammaan arrimahan waxayna gaashaanka ku dhufatay fadeexadda ay warbaahinta qaarkeed ka faafiyeen.

    “Waligeyba ma qaadin qof indhoole ah, anigu tababarka waxaan qaatay sanadkii 2004-tii, muddo 15 sano ah ayaan shaqadan waday, cid aan wax yeelay ma jirto, cid ay wax na dhex mareenna ma jirto”, ayey tidhi Xaawo.

    Iyadoo hadalkeeda sii wadata ayey Xaawo sheegtay in wax dhibaato ah oo ay geysatay aysan jirin laakiin arrimahan ay ka dambeeyaan dad ay ku tilmaamnay “inay ka maseyrsan yihiin” shaqadeeda.

    “Waa dad i daba taagnaa oo ka xun baabuurkan aan wado, markii hore rag ayaan gawaarida u kaxeyn jiray laakiin 2016-kii ayaan yeeshay gaari uu magacaygu ku qoran yahay, wayna kasii maseyreen arrintaas”.

    Waxay Xaawo BBC-da u sheegtay in dacwaddeeda ay maxkamadda gaartay ayna maamulka ugu dambeyn muddo hal sano laga joogo ka gaareen go’aan ay uga mamnuuceen inay gaariga kaxeyso.

    Xaawo Faarax Caad oo 69 jir ah ayaa in muddo ah ku nooleyd waddanka Australia, waxayna dad badan u arkaan inay ka mid tahay shakhsiyaadka horseedka u ah jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku nool dalkaas.

    Xigasho:-BBC

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    June 23, 2025

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    June 23, 2025

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    June 22, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    What we know about Iran’s attack on US base in Qatar

    Axmed Madoobe iyo weftigiisii oo gaaray Garowe ugu danbayn

    Faallo:-Miyaa la burburiyay Hubkii Niyukleerka Iran?

    Shir muhiim u ah Puntland oo Maanta ka furmay Garowe

    Ciidamada PL oo ku dhow in ay soo gabagabeeyaan hawlgalkii Cal-miskaad

    Maraykanka oo dukheeyay Xarumaha Niyukleerka Iran

    Jubaland:-Mw Axmed Madoobe oo kusii jeeda Garowe

    Trump oo ka hor yimid hadalkii Agaasimihiisa sirdoonka

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.