Guddoomiye kuxigeenka 1-aad ee Golaha Shacabka BJFS πππ«π°π¨ ππππ’π πππ¬π’π§ πππ¦ππππ« oo uu weheliyo ku-xigeenka 2aad,ayaa shir guddoomisay Kalfadhiga 1aad kulankiisa 10aad ee maanta.
Ajandaha kulanka ayaa ahaa Codsi ka yimid Dowlada.
Xildhibaannada Golaha Shacabka,ayaa meelmariyay codsi Golaha loosoo gudbiyay oo ahaa in muddo 10-cisho dheeraad ah lagu daro soo magacaabidda Golaha Wasiirada.
144-Xildhibaan,ayaa ogolaatay, waxaa diiday hal Xildhibaan,wax ka aamusay ma jiraan. Sidaas ayuuna ku ansaxay Codsiga.
