Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Mudane Madaxweyne dalkii iyo dadkiiba waad isku wada QATAARTAY, Qori Dab-lehna waad isugu dhiibtay❗️
    Somalia

    Mudane Madaxweyne dalkii iyo dadkiiba waad isku wada QATAARTAY, Qori Dab-lehna waad isugu dhiibtay❗️

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyJune 10, 2020No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Mudane Madaxweyne dalkii iyo dadkiiba waad isku wada QATAARTAY, Qori Dab-lehna waad isugu dhiibtay❗️

    Xalay waxaan daawaday muuqaal uu iska soo duubay Gudoomiye ku xigeenka 2aad ee Aqalka Sare Mowliid Xuseen Guhaad oo ka dabo qaylinaya Guddoomiyaha Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya Senator Cabdi Xaashi, kadib waraaq ka soo baxday Guddiga Joogtada ee Aqalka Sare oo lagu sheegay in Goluhu u leeyahay kaalin dastuuri ah isu keenista madaxda heer federaal iyo heer dowlad goboleed, si loo helo hab iyo hannaan raalli la isaga yahay oo doorashada lagu galo. Laguna codsanayo in wadatashi degdeg ah ay isugu yimaadaan dhammaan madaxda Qaranka, kuwa dowlad goboleedyada iyo saamileyda siyaasadda ka hor 25 bishan June!

    Waxaan is weydiiyay Senator Mowliid miyuusan akhrin dastuurka iyo Xeerhoosaadka Aqalka Sare. Mana oga miyaa in shaqadiisu tahay waxa uu Gudoomiyuhu u dirsado ama marka ay maqan yihiin Gudoomiyaha iyo ku xigeenka 1aad in uu qabto howshooda sida ku cad qodobka 9aad ee Xeehoosaadka Aqalka Sare.

    Waxaase yaab iyo amakaag ah habdhaqanka gurracan ee Madaxweyne Farmaajo iyo waxa ku qasbaya in uu isku wada qataaro had iyo jeer madaxda kala sareysa ee ka wada tirsan hal maamul, hal gole ama beelo iyo qabiilo nabad ku wada deggan, ama siyaasiyiin isku hayb ah. Dad iskaba daaye xitaa noloshii dadka ayuu isku qataaray Madaxweynuhu!

    Tusaale waxaa kuugu filan:

    1. Muudey iyo Mahad Cawad ayuu ku kala qataaray Guddoomiye Jawaari iyo Guddoomiye Maxamed Mursal.
    2. Madaxweynihii Puntland Abdi Wali Gaas ayuu ku qataaray Ku Xigeenkiisii Cabdixakiin Cameey.
    3. Madaxweynii Galmudug Axmad Ducalee “Xaaf” ayuu ku qataaray Gudoomiyihii Baarlamaanka Galmudug Mudane Cali Gacal iyo Ku Xigeenkiisii Maxamed Xaashi Carabey oo maalin dhaweyd loo magacaabay Agaasimaha Guud mid ka mid Wasaaradaha Xukuumada Federaalka Soomaaliya!.
    4. Madaxweyne Axmad Madobe ayuu ku qataaray ciidamo Itoobiyaan ah iyo saraakiil ciidamada ka tirsan oo ay isku hayb yihiin si ay u afgembiyaan.
    5. Madaxweyne Deni ayuu ku qataaray Gudoomiyihii Baarlamaanka Puntland CabdiXakiim Dhoobo Daareed oo sababtey inuu sidaas xilka ku waayo haddana ku sugan Muqdisho iyo Ku Xigeenkiisii Axmed Karaash.
    6. Madaxweynaha Somaliland Mudane Muse Bixi ayuu ku qataaray Ra’iisal Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmad si uu uga helo guulo ama dhibco siyaasadeed oo uu ku galo ololaha doorashada.
    7. Gudoomiyaha Aqalka Sare Senator Cabdi Xaashi ayuu shalay ku qataaray Ku Xigeenkiisii 2aad Mowliid Guhaad oo Madaxweyne Farmaajo qaraabo dhow yihiin.
    8. Sidoo kale Madaxweyne Farmaajo waxa uu ku qataaray madaxweynayaashii ka horeeyey qaaqleyaal kiraysan oo dhaleeceyn iyo afxumo la daba taagan markii ay hadlaanba.
    9. Madaxweyne Farmaajo waxa uu ku qataaray warbaahintii ciidamo iyo garsoor gacan ku rimis ah oo afka iyo gacmaha ka xiray.
    10. Madaxweyne Farmaajo waxa uu ku qataaray fahamkii iyo xaq-sheegii diintii Islaamka wadaado xambaarsan fariimo siyaasadeed-diimeysan oo warbaahinta, maajidyada iyo Facebook-yada ka gudbinaya qaylo iyo habaar joogto ah oo ay la beegsanayaan siyaasiyiinta ama cid kasta oo dhaliisha xukunka Farmaajo!
    11. Madaxweyne Farmaajo waxa uu ku qataaray noloshii iyo isku socodkii magaalada Muqdisho dhagaxyo iyo isbaarooyinka lagu dhibo xoogsatada, gaadiidka, ardayda iyo dan yarta nolol raadiska ah.
    12. Haddaba waxa aan sugnaa waa Mahdi Gulled oo Ra’iisul Wasaare Khayre ku qataaran❗️

    Mudane Madaxweyne diraddiraaleha iyo qoriga dabka ah ee dadka aad isugu dhiibtay dalkii oo dhan waa kala gaaray, dulqaadkiina waa naga dhamaaday ee ma sidaan baa dan mooday?!

    Hon. Mahad Salad

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.