Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Mukhtaar Rooboow oo isku soo dhiibay Dawlada Fadaraalka ugu danbayntii
    Somalia

    Mukhtaar Rooboow oo isku soo dhiibay Dawlada Fadaraalka ugu danbayntii

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 13, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Waxaa goor dhaw garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho ka soo degtay diyaarad siday Sheekh Mukhtaar Rooboow Cali Abuu Mansuur oo ka soo duushay degmada Xuddur.
     
    Mukhtaar Rooboow ayaa la sheegay in ay socdaalkiisan ay ku wehlinayaan wasiirka gaashaandhiga Soomaaliya C/rashiid Cabdullaahi Maxamed iyo saraakiil ka tirsan hay’adda nabad-sugida Qaranka oo ka soo qaaday degmada Xuddur kaddib wada hadal dhaxmaray Wadaadka iyo mas’uuliyiinta dowladda.
     
    Abuu Mansuur oo ka goostay Al-shabaab ayaa saakay isku dhiibay maamulka Koonfur galbeed ee degmada Xuddur, kaddib weerar ba’an oo uu kala kulmay xoogagga Al-shabaab, waxaana la filayaa in saacadaha soo socda ay kulamo dhaxmaraan mas’uuliyiinta sar sare ee dowladda iyo Mukhtaar Rooboow oo mar soo noqday ku-xigeenka Amiirka Al-shabaab.
     
    Wararka ayaa sheegaya in Sheekh Roobow la dejiyay xarunta Hey’adda Nabadsugida, waxaana gawaarida qafilan lagaga soo galbiyay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde,iyadoo ammaankiisa ay la wareegeen Ciidamada Sirdoonka Fadaraalka ee NISA.
     
    Ma jirto illaa iyo hada wax mas’uul oo uu kula kulmay Muqdisho, tan iyo markii laga soo dejiyay Muqdisho, ka hor inta aan la keenin magaalada Muqdisho, waxaa jiray wada hadalo Mas’uuliyiinta dowladda kula yeeshay degmada Xudur.
     
    Wasiirka Gaashaandhigga C/rashiid C/llaahi iyo Taliye kuxigeenka NISA oo ahaa Mas’uuliyiintii Mukhtaar Roobow diyaarada la soo raacay ayaa warbixin ka siin doona madaxda dowladda xaaladiisa iyo wixii ay ka wada hadleen.
     
    Mukhtaar Roobow ayaa lagu wadaa inuu cadeeyo mowqifka uu ka taagan yahay Al-Shabaab, taasoo la sheegayo inay qeyb ka aheyd wada hadaladii maanta ka dhacay Xudur iyo imaatinkiisa Muqdisho.
     
    Waxaa uu noqonayaa Hoggaamiyihii afaraad ee ka soo goosta Al-Shabaab, waxaa horay Al-Shabaab uga baxay Sheekh Xasan Dahir Aweys oo aan wali cadeyn mowqifka uu ka taagan yahay Shabaab, isla markaana xabsi guri ah, sidoo kale Zakariye Ismaaciil iyo Sheekh Maxamed Siciid Atam ayaa isku soo dhiibay dowladda, kuwaasoo caddeeyay mowqifka ay ka taagan yihiin Shabaab, isla markaana codsaday in la cafiyo.
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    August 18, 2025

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    August 18, 2025

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    August 18, 2025
    Latest Posts

    Beesha Warsengeli iyo Dowlada Puntland oo Shir uga furmayo Bosaso

    Madaxda Yurub,Nato iyo Maraykanka oo ka xaajoonaya dagaalka Ukrain

    Zelensky oo markale lagu soo dhaweeyay Aqalka-cad

    Ciidamada Difaaca Puntland oo sardar leh uwada Wajiga Afraad

    Yaa umaalgelinaya Itoobiya garoonka diyaaradaha cusub?

    Puntland oo soo saartay Boolis Tayo iyo Tiro sareeya

    Kulankii Taariikhiga ahaa Ee Trump iyo Putin oo bilowday

    Maraykanku miyuu aqoonsanayaa Somaliland?

    Ciidamada Difaaca Puntland oo horumar ka sameeyay Gacanmarinta Godadka

    Kulan Taariikhiya oo dhexmaraya Trump iyo Putin

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.