Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Muqdisho – Ciyaaraha ciyaaraha Maamulada Dalka oo la furay.
    Somalia

    Muqdisho – Ciyaaraha ciyaaraha Maamulada Dalka oo la furay.

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.December 8, 2017No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Munaasabad lagu daah furayay Tartanka Ciyaaraha Kubadda cagta ee dowlad goboleedyada iyo Gobolka Banaadir ayaa ka dhacay Garoonka Koonis Stadium, iyadoo ay ka qeyb galeen Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Khadiijo Maxamed Diiriye, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed, Wasiirada Dhalinyarada iyo Ciyaaraha ee dowlad goboleedyada, Xiriirka kubadda cagta Soomaaliyeed, iyo Guddiyo ay Wasaaradda Dhalinyarada u saartay howlaha Tartanka.

    Ugu horeyn waxaa Socod wareeg ah garoonka ku maray Ciyaartoyda ka qeyb qaadanaya Tartankan, ee ka kala socda Puntland, Galmudug, Hirshabeelle, Jubbaland, Koofur Galbeed iyo Gobolka Banaadir, waxaana intii uu socodka wareega socday waxaa garoonka qabsaday heeso daah fur u ahaa Tartanka.

    Guddoomiyaha Xiriirka Kubadda cagta Soomaaliyeed C/qani Saciid Carab ayaa sheegay in Tartankan ay soo qaban qaabisay Wasaaradda Dhalinyarada iyo Ciyaaraha dowladda Federaalka, isla markaana Xiriirka Kubadda Cagta uu dhanka Farsamada iyo maamulka kubadda cagta uu ka taageerayo.

    Wasiirka Dhalinyarada iyo Isboortiga Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa sheegtay in tartankan uu qaban qaabadiisa muddo soo socotay, iyadoo xustay in ciyaarta lagu furayo Tartankan ay dhici doonto maalinta berri oo ay isaga hor-imaan doonaan Kooxaha kubadda Cagta Gobolka Banaadir iyo Jubbaland.

    Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Taabid Cabdi Maxamed ayaa magaalada Muqdisho ku soo dhoweeyay Ciyaartoyda iyo Masโ€™uuliyiinta ka socota Maamul goboleedyada, isagoo xusay in Tartankan uu yahay markii labaad oo la qabto.

    Waxaa uu sheegay in ciyaaraha ay yihiin astaan nabadeed iyo is dhex gal bulsho, isla markaana maamulkiisa ay goโ€™an tahay inuu dhiira geliyo ciyaaraha iyo Isboortiga qeybahiisa kala duwan.

    Ugu dambeyn Wasiirka Dhalinyatada iyo isboortiga ayaa la guddoonsiiyay Koobkii ay ku guuleysatay Kooxda kubadda cagta ee Puntland, oo ay dib u soo celisay, iyadoo rajo ka qabta inay difaacato, maadaama ay sanadkii hore ku guuleysteen Tartankan.

     

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.