Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Turkiga oo muwaadiniintiisa kala baxay xalay Muqdisho
    Puntland

    Turkiga oo muwaadiniintiisa kala baxay xalay Muqdisho

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 26, 2020Updated:April 26, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Diyaarada Turkish Airlines ayaa xalay kasoo dajisay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho 58 Ruux, kuwaas oo ku xanibnaa Dalka Turkiga, sababo la xariira isu-socodka dunida oo uu hakiyay cudurka safmareenka ah ee Covid-19.

    Dadkan oo ay kamid yihiin masuuliyiin kamid ah Dowladda Federaalka Soomaaliya, ayaa qeybtood ka yimid dalal ka baxsan Turkiga, waxaana saameyay go,aankii Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ahaa in la hakiyay duulimaadyada diyaaradaha calamiga ah.

    Sidoo kale, Diyaarada Turkish Airlines ayaa magaalada Muqdisho ka qaaday Muwaadiniin Turki ah, kuwaas oo cabsi laga qabo faafida cudurka Coronavirus Muqdisho uga baxay.

    Dhanka kale, Wararka ayaa sheegaya in bixitaanka Muwaadiniinta Turkiga ay ku timid kaddib markii xogo sirdoon ay sheegeen in xaalada ammaan ee magaalada Muqdisho ay faraha ka sii baxayso.

    Dad Soomaaliyeed oo badan ay sidoo kale ku xayiran Dalal kale oo caalamka ah, kuwaas oo wajahaya duruufo kala duwan, qaarkoodna lasoo sheegayo inay sahaydii ka go’day.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.