Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Muqdisho: Shacab ku dhintay madaafiic lagu garaacay Xerada Xalane
    Puntland

    Muqdisho: Shacab ku dhintay madaafiic lagu garaacay Xerada Xalane

    Jibril QoobeyBy Jibril QoobeyApril 26, 2020No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Tiro Hoobiyeyaal ah ayaa saaka lagu weeraray Xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho oo saldhigga u ah Ciidanka AMISOM iyo Safaaradaha shisheeye, kuwaas oo sidoo kale ku habsaday xaafado dad shacab ah ay dagan yihiin, uuna ka dhashay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh.

    Wararka ayaa sheegaya in madfac ku dhacay guri ku dhow xarunta Xalane, ay ku dhinteen afar qof oo isku qoys ah, sidoo kale madfac kale ayaa iyana ku dhacay xero Geella lagu xareeyo oo ku taal Xaafada Tarabuush ee demada Wadajir, halkaasoo iyana islaan da’ aheyd ku geeriyootay, oo lagu magacaabi jiray Nuuro Maxamed Cosobow.

    Sidoo kale xerada geellka lagu xanaaneeyo ee madfaca hoobiyaha ku dhacay ayaa la sheegay in dhowr geella ku dhinteen, kuwaasoo qaarkood la lisayay xilliga hoobiyaha soo dhacayay.

    Kooxda Argagixisada ah ee Al-Shabaab ayaana sheegatay mas’uuliyadda madaafiicda hoobiyeyaasha, iyagoo sheegay inay beegsadeen xerada ugu weyn ee Ciidanka AMISOM ku sugan yihiin, waana weerarkii labaad oo madaafiic hoobiyeyaal ah oo bishan gudaheed Al-Shabaab ku weerarto Xerada Xalane.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Laftagareen oo magacaabay Gudiga doorashada KG

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.