Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Muqdisho:-Soomaaliya oo Mareykanka ka Codsatey Ciidan Dhulka ah iyo Sirdoon
    Somalia

    Muqdisho:-Soomaaliya oo Mareykanka ka Codsatey Ciidan Dhulka ah iyo Sirdoon

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 1, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowlada Soomaaliya ayaa Mareykanka si deg deg ah uga codsatey in ay Soomaaliya usoo diraan ciidamo dhulka ka dagaalama iyo sirdoon, si looga gacan siiyo waxa ay ku tilmaameen qatar ku soo socota Mareykanka, Soomaaliya iyo guud ahaan caalamka.

    Qoraalkan uu ku saxiixyahay wasiirka arrimaha dibadda ee Soomaaliya, Yuusuf Garaad Cumar oo ku socotay safiirka Maraykanka ee Soomaaliya, Stephen Schwartz ayaa lagu faah faahiyey xiriir la sheegey inuu dhexmarey Al shabab-ISIS iyo Iran kaas oo salka ku haya macdanda Uraniumta ee laga farsameeyo hubka Nukliyeerka.

    Warqadan ayaa lagu sheegey in Al-shabaab ay la wareegeen dhul ay ku keydsan tahay Uranium oo ku taala gobollada Galmudug ee Soomaaliya, taas oo ay dhici karto in looga dhoofiyo dalka Iran oo daneynaya.

    Qoraalkaas ayaa lagu sheegey in AMISOM aysan hada awood u laheyn in ay wax ka qabato qatartaas ay dowladu tilmaantey ee ka soo socota gobollada dhexe ee Soomaaliya. Dowlada ayaa sheegtey in Mareykanka ay yihiin awooda kaliya ee wax ka qaban karta qatartaas soo fool leh.

    Qoraalkan oo warbaahinta Mareykanka qaarkood ay soo gudbiyeen ayey VOA-du ka xaqiijisey safiirka Soomaalida u fadhiya Washington Ahmed Isse Awad.

     

    Xigasho VOA.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    October 21, 2025

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    October 21, 2025

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    October 21, 2025
    Latest Posts

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    Maxay kala yihiin kaydadka dabiiciga ah Ee PL ka samayn karto dhaqaale xoog badan?

    Maxay ahaayeen Qodobadii looga wada hadlay kulankii Itoobiya iyo SL?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.