Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Musharixiinta Kursiga Baarlamaanka Aqalka-hoose Beesha Wacaysle oo cabasho soo saaray
    Somalia

    Musharixiinta Kursiga Baarlamaanka Aqalka-hoose Beesha Wacaysle oo cabasho soo saaray

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 21, 2021No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Musharixiinta Kursiga Baarlamaanka Aqalka-hoose Beesha Wacaysle ee yaala Dhuusamareeb oo la shaaciyay in Talaadada la dooranayo,ayaa soo saaray Cabasho iyo eedayn.

    Waxaan la aqbali karin ayay ku tilmaameen mudada labada maalin ah ee loo qabtay in ay isku diiwaan geliyaan, iyadoo aysan diyaar aheyn Guddigii soo xuli lahaa Ergada wax dooran laheyn.

    Halkaan hoose ka akhriso War Saxaafadeedka ay soo saareen:-

    1- Waxaan ogaanay in madaxweynaha

    1.Waxaan ogaanay in madaxweynaha maamulka Galmudug Axmed Cabdi Kaariye Qoor Qoor oo fulinaaya amarada shaqsiyaadkii dhistay uu damacsanyahay in uu kursiga HOP#67 u boobo sarkaal ka tirsan Nabad-Sugidda qaranka kaas oo uu riixaayo Fahad Yaasiin asigoo u xareeynaaya ergo aan ka mid ahayn beesha kursiga leh ama si qaldan lagusoo xulay, arrinkaas oo baal marsan hanaankii doorashada 17 September 2020, 27 May 2021 ee lagu heshiiyay oo ay hogaamineeysay xukumadda ra’iisul wasaare Rooble.

    2 – Waxaan sidoo kale ogaanay in sarkaalkaas xildhibaannimada loo boobaayo la rabo in loo qoro ergo aan sax ahayn oo uusan saxiixin nabadoonka saxiixaha ah ee beesha iska leh kursiga,taas oo iska horkeeni karta xukuumadda ra’iisul wasaare Rooble iyo beelweeynta kursiga iska leh, khatarna gelin karta guud ahaan hanaanka doorasho ee dalka.

    3- Waxaan diidanahay in iyadoo weli aan la qaban guddigii soo xuli lahaa ergada kursiga dooraneeysa, ergadiina aysan diyaar ahayn in musharaxiinta loo qabto 2 maalin gudahood in ay isku soo diiwaangeliyaan, taas oo waxgaradka beesha kursiga leh iyo musharaxiintu u arkeen in dedejinta isdiiwaan gelintooda lagu baneysanayo boob boobsiis ah oo ka dhan ah kursiga HOP#67 lana doonayo in erga aan sax aheyn beeshana u dhalan laga xareeysto Dhuusamareeb, maadaama odayaashii iyo ergadii saxda ahaa ay joogaan magaalada Muqdisho.

    Waxaan ku baageeynaa arrimaha soo socda

    1- In gudiga doorashda ee Galmudug uu ka digtoonaado xareynta odayaal iyo ergo aan sax aheyn oo aan ka imaan beesha kursigu ku astaysanyahay.

    2- Waxaan ugu baaqeynaa gudiga doorashada heer Galmudug iyo heer federaal in ay ka digtoonaadaan ka qeyb noqoshada boobka ka dhanka ah bulshada iska leh kursigaas iyo kuraasta kale ee la midka ah, bilaabaan hannaan doorasho oo sax ah ayna ku qanci karaan bulshada iska leh kursiga iyo musharaxiinta u taagan ka qeeybgalka doorashada

    3- Waxaan ugu baaqeeynaa madaxweynaha maamulka Galmudug in uu u madax banneeyo doorashada kursiga HOP#67 beesha iska leh kana daayo howlaha boobka ah ee uu asigu hormuudka u yahay.

    4- In inta laga soo xulaaayo odayaalkii ama gudigii ergada xuli lahaa iyaguna ay kasoo xulayaan ergada wax dooran laheyd dib loo dhigo diiwaan gelinta musharaxiinta kursiga HOP#67.

    5- Waxaan ugu baaqeynaa beesha iyo waxgaradka iska leh kurisigaan, beesha Waceysle iyo guud ahaan beelweynta Mudulood oo boobida kursigaani hordhac u yahay boobka kuraastooda dhiman in ay u kacaan difaacashada xaqoooda oo aan si karaama dil ah loo boobin kuraastooda isuguna yimaadaan kulamo arrinkaas looga hortagayo.

    Magacyada musharaxiinta

    1- Jeneral Cabdiraxman Tuuuryare

    2- Axmed Nuur Sheekh Yuusuf

    3- Cabdiraxman Axmed Cumar

    4- Cabdirashiid Ismaaciil Maxamed

    5- Cismaan Xassan Ow-gaab

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    June 28, 2025

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    June 26, 2025

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    June 26, 2025
    Latest Posts

    X9G:-Safarka Madaxweyne Deni Ee Gobolka Mudug

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.