Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Muumin waa uqalmaa in loo dhiibo hogaanka guud ee Booliska Puntland
    Somalia

    Muumin waa uqalmaa in loo dhiibo hogaanka guud ee Booliska Puntland

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.September 8, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Muumin waa mutaystay in loo abaal gudo Madaxweyne !!

    Talyaha Booliska Mudug Muumin Cabdi Shire waxaa la magacaabay xili amaanka Gobolkaas xasaasiga ah uu dhulka yaalay.

    Madaxweyne Deni oo la dardaarmayay magacaabistiisa kadib,isagoo ku sugnaa markaas duleedka Garowe,waxuu ku yiri..

    “Gobolka Mudug hadaad amnigiisa iga qabato waa kuu abaal marinayaa Muuminoow Mudug waa Gobol isaga iyo Dadkiisuba Puntland muhiim ay uyihiin” Ayuu ku yiri M Deni.

    Muumin shaqo galkiisii caqabado badan,ayuu la kulmay 3-dii bilood ee ugu horaysay meel laga jiro,ayuu sixi waayay Dad badana waa qabqabtay.

    Balse kadib cagtuu salaanka la helay xargo badana waa udhaqaaqeen oo godod muhiim ahaa,ayuu udhacay.

    Waxuu qabqabtay 3-kooxood oo khatar ku ahaa amniga …

    1.Argagixisada
    2.Mukhaadaraadka
    3.Danbiilayaasha abaabulan.

    Hagardaamadu waa garab socotay mar walba oo talaabaduu qaadaba waxaa lagu furayay tushuush iyo dacaayad,balse ma niyad jabayn.

    Weerarkii ugu weynaa ee lagu fashilinayo shaqadiisa,waxuu dhacay markii uu gacanta ku dhigay in ku dhow 70-Xubnood argagixisadii dadka ku laynaysay tan iyo 2008-dii Gobolka.

    Madaxweyne Deni,ayaa xataa tushuushkaas gaaray,iyadoo lagu yiri Dadkuu naga hor keenayaa ee Ninkan waxba mahayo.

    Go’aan qaadasho uu sameeyay Deni,isagoo tixgeliyay Muumin doodiisii,ayaa keentay in Pl baarayaal dibada ka keensato si loo xaqiijiyo shaqada Gobolka ka socotay.

    Baarayaashaas waxay kusoo gunaanadeen hawlgalkoodii sadex qodob oo kala ahaa…

    1.Dadka lahayo oo ah kuwii saxda ahaa.

    2.Mudug shaqada ka socota oo ah mid jihadii saxda ahayd haysa.

    3.Muumin oo la abaalmariyo lana aqoonsado dadaalkiisa,daacadnimadiisa iyo Wadaniyadiisa.

    Madaxweyne Deni Muumin waa umahadceliyay una fasaxay wax wakba oo uu shaqadiisa uga baahnaa,waxaana ay dhashay taasi guulaha maanta loo wada jeedo.

    Ugu danbayn Muumin waa uqalmaa in loo dhiibo hogaanka guud ee Booliska Puntland.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    December 20, 2025

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Yaa ka hor istaagay Farmaajo kasoo qaybgalka Shirka Kismaayo?

    Booliska PL oo gacanta ku dhigay Nin dilay Hooyadii iyo Xaaskiisa

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.