Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Muxuu daaran yahay socdaalka Madaxweyne Xasan Ee Puntland?
    Somalia

    Muxuu daaran yahay socdaalka Madaxweyne Xasan Ee Puntland?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 25, 2022No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Lix ujeedu,ayuu daaran yahay socdaalka Madaxweyne Xasan ee Puntland,waana mid dhaqaale raadis ee ma’ahan mid dhismo Qaran ah.

    1.Dayn cafinta in lagala shaqeeyo.

    2.Shidaal soo saarista in lagala shaqeeyo.

    3.La dagaalanka argagixisada in lagala shaqeeyo.

    4.Dhaqaalaha ku baxaya dhismaha Dekeda Bosaso in wax looga qoondeeyo.

    5.Axmed Madoobe sida laga yeelayo.

    6.Xiriirka Itoobiya sida laga yeelayo.

    Imaaraadka,ayaa ka codsaday in uu Garowe tago soona saxiixo mashruuca dhismaha Dekeda Bosaso inta uusan kusoo laaban Imaaraadka,taasna dhaqaale,ayuu kaga rabaa Deni.

    La dagaalanka argagixisada ee Xasan ku dhawaaqay,waxaa ka hor timid Puntland oo dood adag ka gashay.

    Dooda Puntland waxay ku fadhidaa hadii si kaligeed ah Dowlada Fadaraalku uqaado guluf dagaal oo argagixisada ka dhan ah in uusan waxba soo kordhinaynโ€ฆ.

    1.Argagixisadu waxay ukala firxanaysaa qaybaha kale ee Dalka.

    2.Dhaqaalaha iyo Hubka loogu talagalay dagaalkaas ee caalamku bixinayo,waxuu Gacanta ugalayaa hal dhinac.

    3.Dowlada Dhexe waxay uga faa’idaysanaysaa qorshahaas in ay faragaliso Maamulada nugul sida KG,JL iyo Galmudug.

    Doodaas beesha caalamku waa uhakatay,waxaana Xasan loo sheegay in uu la yimaado Siyaasad amni oo Somalidu kuwada socoto.

    Barnaamijka Dayn cafinta ee sida Kmg ah loo sii socod siiyay 3-bilood,waxuu uxayiran yahay qorshe midaysan oo Somaliyed.

    Shidaalka qarxintiisa Deegaamada xogtooda la hayo,waxay uxayirantay oo Shirkada haysata Qandaraaska Xogta iyo IMF ay Xasan usoo jeediyeen si loo helo qorshe Qaran oo la aamini karo in uu PL tago kana soo dhaadhiciyo in ay qayb ka noqoto.

    Axmed Madoobe in uu meesha ka baxo Xasan waa rabaa,waxuuse og yahay PL oo aan kula socon ridistiisa in aan guul laga gaarayn oo ay tahay garab adag oo dhaqaale iyo Siyaasadba JL ku ilaalisa.

    Xiriirka Itoobiya Xasan,waxuu rabaa in isaga loo daba fariisto,PL waxay og tahay in uu Xasan ku yiri Itoobiyaanka heshiiska aan Masar lasoo galay waa Been iska khiyaaliya.

    Muxuu Deni uwadaa”

    1.In uusan culays ku noqonayn haduu mudo kororsi aadayo Deni.

    2.Xukuumada Fadaraalka in ay tahay tijaabo shaqayn doonta 9-bilood kadibna uu diyaar uyahay in uu wax la dhisto Deni.

    3.Dhaqaalaha laga helayo Barnaamijyadaas in Deni qaybtiisa ay Geed ka go’an tahay.

    Maxaa looga badbaadi karaa Xasan?

    Xasan,waxuu og yahay in Dalka taladiisu ka go’do Villa Somaliya iyo Villa Garowe.

    Qorshe walba oo uu dhaqaale ku samayn lahaana,waxuu kaga soo dhamaaday PL raali ahaan shaheeda.

    Xasan waa Nin hadal macaan balse ficilkiisu ka badalan yahay hadalkiisa aadna uga fog reer Puntland.

    Afar jeer,ayuu Deni oo kaliya uga baxay balamo.

    Madaxweyne Deni,waxaa kaliya oo uga filan Xasan la goos-goosigiisa in uu ku yiraahdo Eraydaada macaan ubadal ficil la arki karo.

    Jibril Qoobey.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    ๐Œ๐š๐๐š๐ฑ๐ฐ๐ž๐ฒ๐ง๐š๐ก๐š ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐ฅ๐š๐ง๐ ๐จ๐จ ๐ฌ๐ข ๐ซ๐š๐ฌ๐ฆ๐ข ๐š๐ก ๐ฎ ๐ฌ๐จ๐จ ๐ฑ๐ข๐๐ก๐š๐ฒ ๐’๐ก๐ข๐ซ๐ค๐š ๐๐š๐›๐š๐๐๐š ๐ž๐ž ๐๐ž๐ž๐ฅ๐š๐ก๐š ๐†๐จ๐›๐จ๐ฅ๐ค๐š ๐’๐š๐ง๐š๐š๐ 

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.