Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Muxuu ka badali karaa hawlgalada QM ka bixida Ciidamada Ukrain?
    Somalia

    Muxuu ka badali karaa hawlgalada QM ka bixida Ciidamada Ukrain?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 10, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Dowladda Ukraine ayaa dib u soo ceshan doonta ciidamadeeda iyo agabka militari oo ay ku jiraan diyaaradaha helikobterrada, kuwaas oo ka qayb qaadanaya howlgallada nabad ilaalinta Qaramada Midoobay ee Afrika iyo Yurub, si ay u xoojiyaan difaaca gudaha ee ka dhanka ah duullaanka Ruushka.

    Ciidamada Ruushka ayaa gudaha u galay dalka Ukrain ku dhawaad laba toddobaad kahor, iyaga oo duqeymo iyo go’doomin kuwada magaalooyinkeeda, waxaana ay ku qasbeen in inka badan 2 milyan oo qof oo u badan haween iyo carruur ay ka baxaan dalkaas.

    Madaxweynaha Ukraine Volodymyr Zelenskiy ayaa Talaadadii saxiixay wareegto dib loogu yeerayo dhammaan ciidamada nabad ilaalinta, si ay gacan uga geystaan dagaalka ka socda gudaha dalkeeda.

    Ukraine ayaa waxay ku biirisaylix howlgal oo Qaramada Midoobay ah ilaa 300 oo askari, saraakiil booliis iyo shaqaale, tiradaas oo aan wax badan ka bedeli doonin howlgallada nabad ilaalinta ee caalamka.

    Howlgalka ugu weyn ee ay ka qeyb qaadanayaan ciidamada Ukriane ayaa ah kan ka socda Jamhuuriyadda Dimuqraadiga Kongo ee loo yaqaan MONUSCO, kaas oo ay ku leeyihiin unug ka kooban 250 askari oo ciidamada cirka ah iyo siddeed diyaaradood, sida uu sheegay afhayeenka MONUSCO.

    Ciidamada Ukraine waxay sidoo kale qeyb ka yihiin ciidamada nabad ilaalinta ee UN-ka ee jooga Mali, South Sudan, Sudan, Qubrus iyo Kosovo, sida lagu xusay bogga Qaramada Midoobay ee nabad ilaalinta.

    Reuters

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.