Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Puntland»Muxuu ka dhigan yahay hadalka Garaad Jaamac Garaad Cali?
    Puntland

    Muxuu ka dhigan yahay hadalka Garaad Jaamac Garaad Cali?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 5, 2024No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Garaad Jaamac,waa filayay in uu leeyahay aragti wax qiimayn karta,isla markaana ku dhac leeyahay.

    Garaadka iyo Beeshiisa hoose ee Bah-ararsame waa hormuudka Siyaasada ee Beesha Dhulbahante wax u iftiimiya.

    Xogaha dhabta ah ee jira,waa in Garaadka iyo talo qabeenka Beesha Bah-ararsame ay qabaan Sool Bari iyo Buuhoodle in aysan noqon karin Maamul,sidaas ay tahayna in PL ay kasii mid ahaadaan oo Caasimada PL loo wareejiyo LC ay macno uleedahay reer Sool.

    Hadalkiisa Maanta,waxuu xaqiijinayaa xogtii hoose ee jirtay.

    “Laba Dowladood oo isku sidkan,wadaaga Dhaqaalaha,amniga iyo masiirka in la dhiso oo Waxgaradku isku jarjaraan ama isku dabraan”Ayuu yiri Garaadku.

    Su’aashu,waxay tahay,hadii Amni,Siyaasad iyo Dhaqaale mid laga yahay maxaa lagula kala baxay?

    Si uun layskugu dabray? macnaheedu,waa isla joog xirfadaysan oo la macna noqon karta Maamul hoosaad gaar ah oo Sool haysato kuna hoos jira PL Guud.

    Garaadku xaqiiqda,waa taabtay,waana iska ilaalshay Dhalinyarada Baraha Bulshada iyo Haweenka qiiraysan.

    Hadaan nahay Reer PL kale haba yaraatee Dan nooguma jirto Sool oo PL kasii mid ahaata,sababtoo ah Dhaqaalaha,Siyaasada iyo Amniga la wadaagayo waa kuwa PL-ta balaaran ee Sool PL uma leh macno Siyaasadeed iyo Dhaqaale kaliya Amni ahaan ayay mudan tahay tixgelin oo Hargaysa,ayay maamulaan xagjiriin Qabyaaladu Madaxmartay oo ka maran Siyaasada.

    Sidoo kale Sanaag Bari,ayaa la mid ah oo aysan PL-ta balaaran ubaahnayn,waxaana waaqiciga hada jiraa oranaya Sool Bari iyo Sanaag Bari,waa in PL banaanka laga dhigaa oo la taageeraa Shirarka socda.

     

    Halkan ka daawo muuqaalka

    https://www.idilnews.com/wp-content/uploads/2024/08/453774838_530072676116332_5621047319021332915_n.mp4

    JQ.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Canshuuraha Labada heer Ee Dowlada Puntland oo lakala qeexay

    March 26, 2026

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    March 25, 2026

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    March 25, 2026
    Latest Posts

    Canshuuraha Labada heer Ee Dowlada Puntland oo lakala qeexay

    Xisbiyadii waa weynaa Ee Danmark oo lumiyay Kuraas door ah

    Saadaasha Roobka Gobollada Puntland Ee Todobaadkan

    Faallo:-Dagaalka ka dhanka ah Wadaadada Iran muxuu ku salaysan yahay?

    Maxay faa’idada ugu jirta Puntland xiriirka Imaaraadka?

    Faallo:-Maxay tahay baahiyaha Caasimada Garowe Ee Puntland?

    PUNTLAND:-SAADAASHA ROOBKA EE MAALMAHA 23-29 MARCH 2026:

    Yay wada hadleen Trump oo yaa dhexdhexaadiyay Iran?

    Faahfaahin wada hadalada ubilowday Maraykanka iyo Iran

    Trump oo hakiyay weeraradii Tamarta Iran

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2026 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.