Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Muxuu Yahay Qorshaha Cusub ee Nabad iyo Nolal ee Gobolka Mudug?
    Somalia

    Muxuu Yahay Qorshaha Cusub ee Nabad iyo Nolal ee Gobolka Mudug?

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 1, 2018No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link
    Dowladda Faderalka ee Soomaaliya oo Qorshaynaysa in Gobolka Mudug si toos ah loo hoos geeyo Dowladda Faderalka masuuliyada gobolkana lagala wareego Puntland iyo Galmudug,taas oo ujeedooyin badan laga leeyahay.
     
    War hor dhaca oo si hoose nooga soo gaaraya Villa Soomaaliya ayaa sheegaya in Gobolka Mudug oo ah Shan dagmo xiligii Soomaaliya kuwaas oo kala ah Dagmooyinka Jariiban,Galdogob,Hobyo,Xaradheere iyo dagmada Galkacyo oo lawada dagan yahay,Waxaana qorshan oo uu hormuud u yahay Agaasimaha Madaxtooyadda iyo xubno kamid ah Kooxda Nabad iyo Nolal ayaa looga gol leeyahay in hab sir ah la iskaga horkeeno Madaxwaynaha Puntland Cabdiwali cali Gaas iyo Shacabka Puntland.
     
    Sirta meesha ku duugaan ayaa ah hadii Gobolka Mudug dowladda Faderalka ay la wareegto in sharci ahaan uu meesha ka baxayo Madaxwaynaha Puntland kaas oo deegaan ahaan kasoo jeeda Gobolka Mudug iyo In Siyaasi danbe oo Gobolka mudug kasoo jeeda uusan wax xil ah ka qaban Puntland,Sidoo kalana Puntland laga dhigo Dhul kala qaaran.
     
    Hadii qorshahaan uu uhirgalo kooxda Nabad iyo Nolal maxaa iska badalaya Puntland.
     
    1…. Puntland hadii Gobolka mudug lagaka wareego oo xuduudeedu tahay dagmada Burtinle marka ugu horaysa waxaa Puntland noqonaysa Nugaal,Bari,Sool iyo Sanaag ee goboladi Soomaaliya oo aad ogtihiin in Sool iyo Sanaag dhanka UNka looga aqoonsanahay Dhul la isku haysto una dhaxeeya PL iyo SL.
     
    2…. Caasimadda Puntland oo isbadalaysa maadama Garowe ay markaasi jirin wax gobol kale ah oo ka xiga dhinacyada kale,hada Garowe waxa ay kutaal meel bartame ah marka magaalooyinka waa wayn laga fiirsho.
     
    3…. Nimadaamka Faderalka ee Maamulada dalka oo gabi ahaana la baalmarayo maadama aysan sharci u lahayn dowladda dhexe in ay maamumasho gobol ama magaalo kale oo dalka ah marka laga Reebo Caasimada Muqdisho taas oo Dastuurku u ogol yahay maamulkeeda Madaxda dowladda dhexe,Arintaasina waxa ay burburin ku tahay qorshaha Faderalka ee dalku ku dhisan yahay.
     
    Hadaba waxaa kale oo Qorshuhu yahay in Maamulka Galmudug siyaasiyiintooda ugu firfircoon laga iibiyo Qorshahan cusub ee ay wadato kooxda Fahad Yaasiin hadhowdiina la horgeeyo Xukuumadda Soomaaliya iyadoo aan waxtalo ah laga waydiin Dowladda Puntland.
     
    Qorshahani waxa uu soo bilowdey markii la sameeyey Ciidamada Isku dhafka ah ee ka howlgala magaalada Galkacyo,Waxaa kale oo xogto sheegaysaa in arintan uu ogaadey balse uu diidey AUN Taliyihii Ciidamada Isku dhafka ee dhawaan lagu dilay qarax ismiidanmin ah oo ka dhacay magaalada Galkacyo.
     
    Waxaa la sugayaa go’aamada iyo Tilaabada arinta ku aadan ee ay dowladda Puntland qaado,Waxaa kale oo la sugayaa go’aamada Isimada Puntland gaar’ahaan kuwa gobolka Mudug ee arintan ay kaga falcelindoonaan…….
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.