Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Najib Rizaqa Maleesiya Oo gurigiisa laga helay Dahab iyo Lacag fara badan
    Somalia

    Najib Rizaqa Maleesiya Oo gurigiisa laga helay Dahab iyo Lacag fara badan

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.May 18, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Booliiska dalka Malaysia ayaa sheegay in ay qabteen boqollaal kaartoon oo ay ka buuxaan waxyaabo qaali ah iyo boorsooyinka ay ka buuxaan lacago qalaad kuwaas oo laga helay guri lala xiriiriyay ra’iisulwasaarihii hore ee dalkaas Najib Razaq.

    Baaritaannada lagu sameeyay dhismeyaasha ku yaalla magaalada xarunta u ah dalka Malaysia ee Kuala Lumpur ayaa lala xiriiriyay baaritaanno lagu hayo dhaqaalaha mashruuca horumarinta ee 1MDB, sida ay sheegeen saraakiisha Booliiska dalkaasi.

    Eedaymaha musuqmaasuqa ee loo soo jeediyay mashruuca 1MDB ayaa qayb wayn ka ahaa waxyihaabihii guul darrada u horseeday Najiib, doorashadaasna waxaa ku guulaystay Mahathir Maxamed oo ay horay xulafo u ahaan jireen.

    Waxaa jira balaayiin doolar oo aan la xisaab xirin oo qayb ka ahaa mashruucan uu Najiib sameeyay.

    Najib laftirkiisa ayaa lagu eedeeyay in uu qaatay 700 oo milyan oo doolar, taas oo uu iska fogeeyeen in uu ku dhaqaaqay.

    Dawladda Malaysia ayaa sheegtay in uusan wax gaf ah samaynin, balse dhawr dal oo kale ayaa baaritaan ku billaabay.

    Mahathir oo ah ra’iisulwasaaraha cusub ayaa sheegay in uu ka baaraan dagayo in uu dib u furo dacwaddaas, wuxuuna rumaysan yahay in dib loo heli karo lacagta la lunsaday. Najiibna wuxuu ka mamnuucay ka bixitaanka dalka.

    Hawgallada booliisku ay ka sameeyeen xafiiska Najiib, guriga uu dagan yahay ee khaaska ah iyo dhismeyaasha kale ee lala xiriiriyay oo ku yaalla bartamaha magaalada ayaa socday maalmihii la soo dhaafay iyadoo warbaahinta loo soo bandhigayo.

    Waxaana dhacday mar loo yeeray qof qufulada jabiyo si loo soo saaro lacag guriga Najiib taallay.

    Amar Singh oo booliiska u hadlay ayaa saxafiyiinta u sheegay in waxyaabaha la soo qabtay ay ku jiraan 284 boorso oo kuwa qaaliga ah gacanta lagu qaato.

    “Askarta ayaa baartay 72 boorso oo ka mid ahna waxaa laga helay lacago kala duwan oo ay ka mid yihiin midda Ringgit ee dalka Malaysia, doolar iyo walina dahab iyo saacado.

    “Qiyaasta saxda ah ee dahabka ma sheegi karo, waayo aad bay u badan yihiin boorsooyinka ay saacadaha iyo dahabku ku jiraan” ayuu yiri sida ay ka soo xigatay wakaaladda wararka ee Reuters.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    October 25, 2025

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    October 25, 2025
    Latest Posts

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.