Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Natiijada Doorashada Kenya oo goordhow lagu dhawaaqayo
    Somalia

    Natiijada Doorashada Kenya oo goordhow lagu dhawaaqayo

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 15, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Madaxweyne ku xigeenka Kenya William Ruto ayaa hoggaaminaya natiijada tartan adag oo ay ku loollameen hoggaamiyaha mucaaradka Raila Odinga, sida ay Isniinta maanta ah muujiyeen natiijooyinka ay soo wariyeen warbaahintu, iyadoo ay socoto munaasabadda ku dhawaaqista qofka guuleystay.

    Tirinta codbixintii Talaadadii hore oo si gaabis ah ku socotay ayaa walaac ka abuurtay dalkan ugu dhaqaalaha badan Bariga Afrika ee ay soo mareen taariikho dhow oo doorasho ay rabshado ka dhasheen ka dib markii lagu murmay.

    Natiijadii 26% ee codadka ay sida rasmiga ah u tiriyeen guddiga doorashada ee Sabtidii la shaaciyay ayaa Odinga waxa uu haystay 54% codadkii la tririyay halka Ruto uu haystay 45%.

    Hase ahaatee, tirinta ay sameeyeen Reuters iyo warbaahinta kale ayaa muujinayay in Ruto uu helay 51-52% codadka dadweynaha halka Odinga uu helay 48%.

    Xarunta tirinta codadka ayaa waxaa buux dhaafiyay saraakiisha xisbiyada waxaana ka socda xafladda looga dhawaaqi doono qofka ku guuleystay jagada madaxweynaha xiga ee Kenya.

    Musharraxa,ayaa si uu u guuleysto laga rabaa in uu helo 51% codadka guud ee la dhiibtay. Hadii aanu jirin musharax ku guulaysta in ka badan 50% oo lagu daray hal cod, labada musharax ee ugu cad cad ayaa gali doona wareeg labaad oo doorasho cusub ah.

    Ruto iyo Odinga ayaa loolan adag ugu jira sidii ay ku noqon lahaayeen madaxweynaha beddelaya Uhuru Kenyatta, oo aan xilkan u tartami karin maadaama uu labadiisii muddo xileed dhameystay. Kenyatta oo ay isqabteen Ruto ka dib doorashadii u danbeysay ayaa hadda taageeraya Odinga.

    REUTERS

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.