Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Natto oo ka garowday walaaca amni ee Turkigu ka muujiyay codsiga xubinnimada Sweden iyo Finland
    Somalia

    Natto oo ka garowday walaaca amni ee Turkigu ka muujiyay codsiga xubinnimada Sweden iyo Finland

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 13, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Xoghayaha guud ee NATO Jens Stoltenberg oo booqasho ku jooga dalka Finland, ayaa sheegay in walaac dhinaca ammaanka ah oo ay Turkigu ka muujisay codsiga xubinimada ee dalalka Finland iyo Sweden ee ka mid noqoshada NATO ay tahay mid sharci ah.

    “Kuwani waa walaacyo sharci ah, waxayna ku saabsan yihiin argagixisada iyo dhoofinta hubka,” ayuu Stoltenberg ku sheegay shir jaraa’id oo ay si wadajir ah u qabteen madaxweynaha Finland Sauli Niinisto oo uu ku booqday hoygiisa magaalada Naantali.

    Sweden iyo Finland ayaa bishii hore codsaday inay ku biiraan xulafada difaaca reer galbeedka, taasoo jawaab u ah duullaanka Ruushka ee Ukraine. Balse waxa ay mucaaradad kala kulmeen Turkiga oo ku eedeeyay in ay taageeraan oo ay gabaad siiyaan mintidiinta Kurdiyiinta iyo kooxaha kale ee uu u arko argagixiso.

    Stoltenberg ayaa sheegay in Turkiga uu yahay kan ugu muhiimsan xulafada isbaheysiga, gaar ahaan goobaha istaraatiijiga ah ee ku taal Badda Madow ee u dhaxeysa Yurub iyo Bariga Dhexe, wuxuuna tusaale u soo qaatay taageerada ay siisay Ukraine tan iyo markii Ruushka uu weerar militari oo uu ugu yeeray “Hawlgalka Military ee Gaarka ah” uu ku qaaday deriskooda 24-kii Febraayo.

    “Waa inaan xasuusannaa oo aan fahamnaa in uusan jirin dal ka tirsan xulafada NATO oo la kulmay weerarro argagixiso oo ka badan kuwa Turkiga,” ayuu yiri Stoltenberg.

    Stoltenberg iyo Niinisto ayaa sheegay in wadahadalada Turkiga ay sii socon doonaan balse ma aysan sheegin wax horumar ah oo laga gaaray wadaxaajoodyada.

    “Kulanka Madrid waligiis ma ahayn waqti kama dambays ah,” ayuu yiri Stoltenberg, isaga oo tixraacaya shirkii NATO ee Madrid ka dhacay dhammaadka Juun.

    Reuters..

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    October 27, 2025

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025
    Latest Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.