Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ninka uu Maraykanku halka milyan dul dhigay oo lagu qabtay xadka Soomaaliya
    Somalia

    Ninka uu Maraykanku halka milyan dul dhigay oo lagu qabtay xadka Soomaaliya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 1, 2022No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Mid ka mid ah labadii nin ee baxsadka ahaa ee uu Mareykanku ku raadjoogay loona haystay ka ganacsiga daroogada iyo ugaarsiga duurjoogta ayaa la xiray, sida uu qoray wargeyska Nation ee ka soo baxa dalka Kenya.

    Badru Cabdul Casiis Salax ayaa laga soo qabtay deegaanka Liboi ee ismaamulka Garissa xili uu doonayay inuu u gudbo dhanka Soomaaliya, sida laga soo xigtay ilo ka tirsan booliska.

    Qabashada ninkan ayaa ku soo beegmaysa afar maalmood uun ka dib markii Agaasinka Danbi baarista iyo Safaaradda Maraykanka ee Nairobi ay soo bandhigeen sawirkiisa, kaas oo si weyn loogu faafiyay warbaahinta.

    Balse waxaa ay booliiska wali ku raadjoogaan, Cabdi Xuseen Axmed oo ay wada socdeen Saalax.

    Saalax waxaa lagu hayaa xarunta laanta la-dagaallanka argagixisada, halkaasi oo ay dambi barayaasha ku waydiinayaan su’aalo la xiriira xiriirka uu la leeyahay Cabdi Xuseen, halka uu ku sugan yahay iyo waxa uu dalka ka hayo.

    Safaaradda Mareykanka ayaa toddobaadkii hore u yaboohday 1 milyan oo doolar cidii keenta xog kasta oo horseedi karta in la soo qabto Saalax oo lagu eedeeyay ka ganacsiga maandooriyaha.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.