Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Ninkii Soomaaliga ahaa ee toorrida weerarka ku geystay oo la xukumay
    Somalia

    Ninkii Soomaaliga ahaa ee toorrida weerarka ku geystay oo la xukumay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.November 27, 2019No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Nin Soomaali ah, oo isku dayay inuu dilo saddex ruux, oo uu ku jiray askari ka tirsan booliska Britain ayaa lagu riday xukun xabsi daa’in ah.

    Mahdi Maxmuud ayaa falkaas ku geystay weerar uu toorri u adeegsaday oo ka dhacay goob tareennada laga raaco oo ku taalla magaalada Manchester.

    Ninkan 26 jirka ah, ayaa toorri la dhacay lammaane wada socday, ka dibna wuxuu weeraray askari lagu magacaabo Lee Valentine, oo ka howlgalayay Manchester Victoria, dabayaaqadii sannadkii lasoo dhaafay.

    Waxaa horay loogu sheegay in 11 sano oo xabsi ah lagu xukumi doono ka dib markii uu qirtay saddex nooc oo dambi ah, oo dhammaantood la xiriira isku day dil iyo fal argagixisanimo ah. Maxkamadda Manchester Crown ayaa ku dhawaaqday xukunka.

    Maxamuud ayaa marka hore lagu xiri doonaa meel ka mid ah isbitaal amnigiisa si weyn loo adkeynayo.

    Garsoore Stuart-Smith, oo ku dhawaaqay xukunka ayaa sida ay wax u dhaceen u sheegay Mahdi, oo daggan xaafadda Cheetham Hill ee magaalada Manchester, wuxuuna ku yiri ; “Waxaad adigoo si daggan ugu dhex socda goobta tareennada laga raaco aragtay lammaanaha”.

    “Kadib waad daba raacday, waxaad lasoo baxday mid kamid ah toorriyahaaga waadna ku weerartay. Waxaad weerartay adigoo damacsan inaad disho”, ayuu yiri garsooraha.

    Mahdi ayaa ninka dhowr jeer toorrida uga dhuftay dhabarka, garbaha iyo madaxa, haweeneydii la socotayna wuxuu uga dhuftay wajiga, ka hor inta uusan weerarin askariga, oo isku dayayay inuu ka qabto.

    Garsooraha ayaa sheegay in dhibaatooyin dhinaca maskaxda ah ay ninkan u horseedeen inuu ku fikiro arrimo jihaadi ah, laakiin uu qaadan karay mas’uuliyadda buuxda ee weerarka uu geystay.

    Maxamuud ayaa marka isbitaalka laga saaro loo gudbin doonaa xabsi uu noloshiisa ku dhameysan doono.

    Maxkamadda ayaa horay loogu sheegay in Maxamuud uu daba socday lammaanaha, oo da’dooda lagu sheegay 50-meeyo, abaare saacaddu markii ay ahayd 21:00 GMT, 31-kii bishii December.

    Wuxuu ku dhawaaqay erayada “Allahu Akbar” iyo “ha noolaado khaliifada”, kadibna wuxuu ku weeraray toorri.

    13 dhaawac oo ninka haweeneyda la socday soo gaaray ayaa waxaa ka mid ah jab, halka haweeneydana dhaawaca wajigeeda ku dhacay uu gaaray ilaa lafta.

    Mr Valentine, oo 31 jir ah ayaa rasaas ku riday Mahdi, balse waxay ku hakatay jaakaddiisa, mana aysan curyaaminin.

    Askariga oo ka tirsanaa booliska gaadiidka ee Britain ayaa garabka laga tooriyeeyay ka hor inta aan ninka weerarka fulinayay la xirin.

    Middi kale oo nooca jikada lagu isticmaalo ah ayaa laga helay Mahdi jeebkiisa, booliska Manchester ayaana sheegay inay sidoo kale ka heleen waxyaabo badan oo muujinaya fikradaha argagixisada.

    Maxamuud, oo heysta dhalashada Netherlands, asal ahaanna kasoo jeeda qoys Soomaali ah, ayaa UK tagay isagoo 9 jir ah, waxaana lagu xagjireeyay dhinaca internet-ka, sida ay booliska ku warrameen.

    Det Supt Will Chatterton ayaa yiri: “Kani wuxuu ahaa weerar argagax leh oo dhacay mid ka mid ah maalmaha ugu mashquulka badan sanadka waana ogahay in dadka waxyeelladu gaartay ay waligood xasuusnaan doonaan arrintaas.

    “Shaki kuma jiro waxa dhici lahaa haddii uu Maxamuud adeegsan lahaa middida weyn ee ku jirtay jeebka jaakaddiisa”.

    ‘Naxdin weyn’Maxamuud aabihiis, oo warqad u diray garsoorka maxkamadda, ayaa sheegay in qoyskiisu ay dadka dhaawacmay u duceynayeen tan iyo markii uu dhacay weerarka “argagaxa” leh, wuxuuna sheegay inuu aad uga mahadcelinayo jawaabta degdegga ah ee ay ciidanka amnigu bixiyeen.

    Wuxuu intaas ku daray in qoysku ay aad uga “argagaxeen”, ayna “naxdin weyn” dareemeen markii ay maqleen waxa uu wiilkiisa sameeyay, isagoo sheegay in haddii uusan dhibaato dhinac

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    October 27, 2025

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    October 26, 2025

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    October 26, 2025
    Latest Posts

    𝐀𝐣𝐚𝐧𝐝𝐚𝐡𝐚 𝐊𝐚𝐥𝐟𝐚𝐝𝐡𝐢𝐠𝐚 𝟓𝟕-𝐚𝐚𝐝 𝐞𝐞 𝐆𝐨𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐖𝐚𝐤𝐢𝐢𝐥𝐥𝐚𝐝𝐚 𝐃𝐨𝐰𝐥𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐏L.

    No Constitutional or Political Justification for Extending the Term of President Hassan Sheikh Mohamud and the Federal Parliament

    Faallo:-Yaa mudan Dowladihii Carta iyo Imbagaati lagu soo dhisay in la xuso?

    Ajandaha kalfadhiga Baarlamaanka Puntland oo la ansixiyay

    Xog:-Cabdiraxmaan Cirro oo usaxiixaya Dekeda Saylac

    Palestinian agreed to hand over the administration of the Gaza

    Faallo:-Ma ahayd khudbadii Madaxweyne Deni Ee furitaanka Baarlamaanka tii loo baahnaa?

    Madaxweyne Deni oo fariin adag udiray Xasan Shiikh.

    Madaxweyne Deni oo furay kalfadhiga 57-aad Ee golaha wakiilada Puntland

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.