Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Nuxurka Warbixinta Somaliya Ee Swan ka hor jeediyay Shirka Golaha amaanka
    Somalia

    Nuxurka Warbixinta Somaliya Ee Swan ka hor jeediyay Shirka Golaha amaanka

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 13, 2021No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Ergeyga Xoghaya Guud ee QM u qaabilsan Soomaaliya James Swan, oo maanta warbixin kooban siinayay Golaha Ammaanka ayaa sheegay in horumar laga sameeyey siyaasadda Soomaaliya, tan iyo markii ugu dambeysay ee uu golahan la hadlo oo aheyd maalmo ka hor 27-kii bihsii May, xilligaas oo ay Ra’isul Wasaare Rooble iyo Madaxda Maamul Goboleedyada Federaalka ah ay kala saxiixdeen heshiiskii hirgelinta doorashada.

    Swan ayaa sheegay in Ra’isul Wasaare Rooble uu muujiyay hogaamiyenimo, isagoo kullamo wada tashi oo joogta ah la lahaa madaxda maamul goboleedyada si loo hirgeliyo heshiiskii doorashada.

    Waxa uu u sheegay Golaha Amaanka ee Qaramada Midoobay in doorashada kuraasta Aqalka Sare ay ka bilaabatay maamul goboleedyada.

    Swan ayaa intaas ku daray in kastoo guulo la taaban karo la gaaray, haddana loo baahanyahay in la xoojiyo ammaanka doorashada, oo uu sheegay in si gaar ah uu uga werwersanyahay.

    Waxa uu sheegay in sidoo kale loo baahanyahay in la xaqiijiyo qoondada kuraasta ee dumarka, dhallinyarada, iyo dadka la takooro oo laga qeyb geliyo siyaasadda.

    James Swan ayaa booriyay in caqabada mustaqbalka ka hor imaan kara doorashadan loo baahanyahay in lagu xaliyo si xasiloon iyo wada-hadal ku dhisan ismaqal.

    Waxa uu sheegay in Al-Shabaab ay weli ku tahay halis amaanka Soomaaliya, isla markaana ay xafiiska QM ee Somaliya ee UNSOM uu diwaan geliyay sanadkan 202-1ka 708 qof oo rayid ah oo rabshadaha Soomaaliya wax ku noqday. Dadkaas ayuu sheegay in 321 ka mid ah ay dhinteen, 387 kalena la dhaawacay.

    Swan ayaa sidoo kale sheegay in tacdiyada ka dhanka ah dumar ay kordheen, islamarkaana xaaladda bani’aadaminimo ay meel xun mareyso.

    Waxa uu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay James Swan in Qaramada Midoobay ay diyaar u tahay sii wadista taageerada ay u fidiso Soomaaliya, gaar ahaan howlaha doorashada, si buu yiri, waddanku uu xoogga u saaro dhinaca nabad gelyada iyo ahdaaftiisa horumarineed.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    June 28, 2025

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    June 26, 2025

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    June 26, 2025
    Latest Posts

    X9G:-Safarka Madaxweyne Deni Ee Gobolka Mudug

    Xog:-Safarka Madaxweyne Cirro Ee Wadanka Qatar

    Faallo:-Muxuu ka dhigan yahay Warsaxaafadeedka ay soo wada saareen PL iyo JL?

    Wadaxaajoodkii Madaxweynayaasha JL iyo PL oo laga soo saaray Warmurtiyeed

    Hogaamiyayaasha Nato oo aqbalay dalabkii Mw Trump

    Banaanbaxyo looga soo horjeedo Dowlada oo ka socda Kenya

    Mucaaradka Muqdisho iyo Xasan Shiikh oo kulmah

    Ugu danbayn Xabad joojin Maraykanku amray,ayay Israa’iil iyo Iran wada qaateen

    Faallo:-Socdaalka Madaxweyne Axmed Madoobe Ee Garowe

    Iran oo Gantaalo ku weerartay Saldhiga Maraykanka Ee Qatar

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.