Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Obama care oo ka badbaaday in la baabiyo
    Somalia

    Obama care oo ka badbaaday in la baabiyo

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.July 28, 2017No Comments1 Min Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Aqalka Senate-ka Mareykanka ayaa jimcaha maanta ah ku guul darreystay inuu sameeyo sharci qeyb ahaan baabiโ€™inaya barnaamijka daryeelka caafimaadka ee Obamacare, oo jira muddo toddoba sano ah.

    Saddex sharci-dejiye oo jamhuuri ah oo kala ah John McCain oo laga soo doorto Arizona, Lisa Murkowski oo laga soo doorto Alaska iyo Susan Collins oo laga soo doorto Maine, ayaa ku biiray xubnaha dimoqraaidga, si ay sharciga ugu diidaan cod ah 49-51.

    Madaxweyne Donald Trump ayaa barta twitter-ka waxyar kadib weerar ku qaaday xubnaha Jamhuuriga ee la saftay dimoqraadiga.

    โ€œSaddex Jamhuuri ah iyo 48 dimoqraadi ah ayaa dhulka dhigay dadka Mareykanka. Sida aan horey u sheegay iska daayq ha guul-darreystee Obamacare, kadibna aan la tacaalnoโ€ ayuu yiri Trump.

    Sharcigan ayaa baabiโ€™in lahaa qeybo ka mid ah Obamacare sida qodobka dadka ku qasbaya inay ceymis caafimaad iibsadaan ama ay ganaax wajahaan iyo qodobka shirkadaha shaqaaleeya in ka badan 50 qof qasab uga dhigaya inay shaqaalahooda siiyaan ceymis caafimaad.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    October 19, 2025

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    October 19, 2025

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    October 18, 2025
    Latest Posts

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Xuutiyiinta Yemen oo weeraray Markab ku wajahan Dekeda Jabuti

    Maxay kala yihiin kaydadka dabiiciga ah Ee PL ka samayn karto dhaqaale xoog badan?

    Maxay ahaayeen Qodobadii looga wada hadlay kulankii Itoobiya iyo SL?

    Maraykanka oo udiiday Ukrain Gantaalada Tomahawk

    Heshiiskii Niyukleerka Ee Iran iyo quwadaha oo dhamaaday

    ๐€๐ฎ๐ฌ๐ญ๐ซ๐š๐ฅ๐ข๐š ๐ฌ๐ก๐ž๐ž๐ฉ-๐ž๐ฑ๐ฉ๐จ๐ซ๐ญ ๐›๐š๐ง ๐ก๐ž๐ฅ๐ฉ๐ฌ ๐’๐จ๐ฆ๐š๐ฅ๐ข๐š ๐ฐ๐ข๐ง $๐Ÿ ๐›๐ข๐ฅ๐ฅ๐ข๐จ๐ง ๐จ๐Ÿ ๐ฌ๐š๐ฅ๐ž๐ฌ

    Faallo:-Fudaydka Siyaasada dibada Ee Xasan iyo saamaynta loolanka quwadaha caalamka

    Sidee PL uga faa’idaysan kartaa Kalluunka ay hodanka ku tahay?

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.