Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Odoraska Roobabka Gu’ga Ee Deegaanada Puntland 2022
    Somalia

    Odoraska Roobabka Gu’ga Ee Deegaanada Puntland 2022

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.March 7, 2022No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Odoraska Roobabka Gu’ga ee Puntland 2022

    Baahinta Xogta Filashada roobabka Gu’ga ee ka imaanaysa urur goboleedka IGAD Xarunteeda Saadaasha cimillada ee (ICPAC) laguna soo sooray Madasha (GHACOF60) waxa ay tibaaxaysaa in la filankaro roobab dhex-dhexaada iyo kuwo lixaad leh meelo ka mida degaanada Puntland.

    Degmooyinka Laasqoray, Badhan, Dhahar, Taleex iyo Garoowe Waxaa la filayaa inay helaan xaddi roobab wanaagsan (Normal and/or above normal)
    Sidoo kale Qaybo ka mid ah degmooyinka Bosaaso, Qardho, Ballidhidin, Ufeyn, Carmo iyo Boocame ayaa loo saadalinaya xaddi roobab wanaagsan.

    Degaanadda kale ee Puntland ayaa la filayaa inay helaan roobab dhex-dhexaad ah, waxaase weli jiri kara saamaynta abaaraha degaanadaas maadama labaddii sanno ee u danbeeyay roobabku aad u yaraadeen.

    Dhul daaqsimeedka Nugaasha, Soolka, dharoor iyo Buuralyda Golis ayaa la rajaynayaa in daaqsinkoodu wanaagsanaado xilli robaadka kadib.
    Xilli robaadka ayaa la filayaa inuu bilowdo satimaanka Saddexaad ee bisha April (Ramadanka).

    Iyada oo la tixgelinayo saadasha roobabka gu’ga, haddana waa in loo wada diyaar garoobaa Xaalad kasta oo imaan karta si talada iyo Go’aanada ku habboon loo qaato.

    Xarunta maareynta, xogaha khayraadka Biyaha & dhulku Waxa ay si joogto ah usoo saari doonta xogta saadasha si asbuucle ah inta lagu gudo jiro xilli roobaadka.

    Bulshada waxa aan ku wargelinayaa In saadaashaan ay tahay mid is bedeli karta xilli kasta ayna kala duwanaan karaan xaddiga roobka la qiyaasay iyo xaddiga dhabta ah ee roobabka da’i kara.

    ImcPuntland

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    December 20, 2025

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    December 20, 2025

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    December 20, 2025
    Latest Posts

    Falanqaynta warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo?

    Akhriso:-Warmurtiyeedka kasoo baxay Shirka Kismaayo

    Faallo:-Halkee ku wajahnaa hadalka Madaxweyne Faroole?

    Faallo:-Yaa iska leh Eeda in ay Soomaaliya soo kaban waydo 30-sano kadib?

    Faallo:-Maamulada Koonfurta oo diiday qaaraan loo waydiiyay Laascaanood

    Maxaa ka jira saraakiil reer PL ah in ay Xamar ubaxsadeen?

    Wararkii udanbeeyay ee shirweynaha magaalada Kismaayo

    Wararkii udanbeeyay Ee Shirka Kismaayo?

    The One-Sided and Disputed Election Process Led by Villa Somalia Threatens Somalia’s Stability and State-Building Efforts

    Somali Identity, Race, and the Limits of Western Racial Frameworks

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.