Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»Olalaha Doorashada Kenya oo maanta la soo gabagabeeyay
    Somalia

    Olalaha Doorashada Kenya oo maanta la soo gabagabeeyay

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.August 6, 2022No Comments3 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Tallaabada uu madaxweyne Kenyatta ku taageeray Mr Odinga ayaa loo arkayay isku day uu ku doonayo in uu ka tego saameyn si uu mideeyo laba qoys oo si wada jir ah ula dagaalamay gumeystihii Ingiriiska – kuwaas is khilaafay 1966.

    Maxay ka dhigan tahay in Uhuru uu tuuro Ruto, waxay sanadkii 2013-kii sameysteen isbaheysi ay kaga hortagayeen dacwadihii loo gudbiyay maxkamadda dambiyada caalamiga ah ee ICC kadib rabshadihii doorashada ee dhimashada horseeday ee ka dhacay Kenya sanadkii 2007-dii.

    “Wixii iyaga mideeyay ayaa meesha ka baxay,” ayuu yiri Prof Munene oo intaas ku daray: “Hadda Ruto wuxuu rabaa in la doorto, Uhuruna wuxuu rabaa in uu raad ka tego sidaas darteed danahooda ayaa isku dhacay.”

    Mr Kenyatta iyo Odinga ayaa isku dhawaaday kadib doorashadii la isku khilaafay sanadkii 2017-dii, Raila Odinga wuxuu xilliggaas qaadacay natiijada doorashada, wuxuu ku baaqay in la qaadaco badeecadaha ay soo saaraan shirkadaha lala xirirriya qoyska Uhuru, wuxuu xilliggaas Raila isku tilmaamay ‘madaxweynaha shacabka’ kadib isu soo baxyo ballaaran uu ku qabtay Nairobi.

    “Mr Odinga waxa uu u muuqdaa mid quus ka taagan xaaladda, da’diisa awgeed, tanina waxay u muuqataa inay tahay fursadiisii ​​ugu dambaysay ee doorashada,” ayuu yiri Prof Munene.

    Qoysaska Uhuru iyo Raila waa kuwa taajiriin ah, waxa ay hantidoodu ku fadhido ma cadda, laakiin dadweynaha waxay arkeen hantida Kenyatta markii la shaaciyay warbixintii Pandora Box ee qeexeysay maalgashiga dibadda iyo shirkadahooda kuwaas oo lagu qiyaasay $30 malyan oo doolar.

    Mr Ruto ayaa sidoo kale ah maalqabeen, balse waxa uu isu muujiyay inuu yahay qof digaag iyo laws mar ku iibin jiray waddada dhinaceeda isla markaana fahmaya dhibka haysta dadka saboolka ah, kana shaqeyn doono danaha dadka haddii la doorto.

    “Anaga waxaan ku mashquuli doonaa sare u qaadidda nolosha dadka saboolka ah, halka dad kale ay ku mashquulsan yihiin oo ay ku sugan yihiin huteellada, waxay qorsheynayaan sidii ay meesha ku keeni lahaayeen madaxweyne ay iyagu maamulaan, iyagoo ka shaqeynaya danahooda gaarka ah,” ayuu yiri Ruto.

    Raila Odinga wuxuu musharrax madaxweyne ku xigeen u xushay haddii uu guuleysto haweeney horey u ahaan jirtay wasiirka caddaaladda, Martha Karua.

    Mr. Ruto ayaa sidaas darteed hal-ku-dhigga uu sameystay ee “Qaranka xoogsatada ah” oo uu ula jeedo da’yarta u halgamaysa sidii ay nolol maalmeedkooda u soo dhacsan lahaayeen, wuxuuna ballan qaaday in wax laga qaban doono dhaqaalaha, isagoo sheegay in ay faa’iido u yeelan doonto dadka saboolka ah.

    Raila Odinga wuxuu sheegay in uu diiradda saari doono wax soo saarka dalka iyo warshadaha sidii shaqo loogu sameyn lahaa dhalinyarada.

    Wuxuu sidoo kale sheegay in laba milyan oo qoys oo danyar ah uu u ballan qaaday in uu bishiiba uu siin doono 6,000 oo shilinka Kenya ah oo u dhiganta 50 doolar kana mid ah sanduuqa ilaalinta bulshada ee cusub haddii loo doorto madaxweyne

    Sidoo kale, waxaa doorashada madaxweynana u tartamaya labo musharrax oo kale oo qareen ah oo lagu kala magacaabo, George Wajackoyah iyo David Mwaure.
    Khubarada qaar ayaa saadaaliyay in midkoodna musharaxa uusan kheli doonin wax ka badan boqolkiiba 50% codadka doorashada, taas oo horseedeysa in wareeg labaad la qabto.

    Kuwo kale ayaa aaminsan in wareegga labaad aan la isla gaari doonin balse natiijada waxaa loolan adag kala kulmi doonaa musharaxa laga guuleystay.

    Doorashadii 2017-kii ayaa waxaa hareeyay wax is-daba-marin taasoo keentay in maxkamadda sare ee Kenya ay laashay natiijadii doorashada – waxayna amartay in doorasho hor leh la qabto taasoo uu ku guuleystay Mr Kenyatta kaddib markii uu qaadacay Mr Odinga.

    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    October 22, 2025

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    October 22, 2025

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    October 22, 2025
    Latest Posts

    Maxay PL uga dhigan tahay mahadcelinta Mw Cirro ?

    Madaxweyne Cirro oo umahadceliyay Mw Deni iyo Maamulka PL

    𝐌𝐚𝐝𝐚𝐱𝐰𝐞𝐲𝐧𝐚𝐡𝐚 𝐒𝐨𝐦𝐚𝐥𝐢𝐥𝐚𝐧𝐝 𝐨𝐨 𝐬𝐢 𝐫𝐚𝐬𝐦𝐢 𝐚𝐡 𝐮 𝐬𝐨𝐨 𝐱𝐢𝐝𝐡𝐚𝐲 𝐒𝐡𝐢𝐫𝐤𝐚 𝐍𝐚𝐛𝐚𝐝𝐝𝐚 𝐞𝐞 𝐁𝐞𝐞𝐥𝐚𝐡𝐚 𝐆𝐨𝐛𝐨𝐥𝐤𝐚 𝐒𝐚𝐧𝐚𝐚𝐠

    Booliska Puntland oo tayayn sare lagu wado

    Agaasimihii PDRC oo Cali Faarax oo geeriyooday

    Xasan Sh oo madaxa isku galiyay Laftagareen iyo garabka Shariif iyo Cumar

    Suldaan Siciid Suldaan Cabdisalaan oo lagu soo dhaweeyay Ceerigaabo

    Madaxweynaha Somaliland oo gaaray Ceerigaabo

    Shirka amniga Gobolka Bari oo heer Madaxtooyo looga arinsaday

    Taliska cusub Ee Qaybta Booliska Gobolka Bari oo xariga laga jaray

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.