Close Menu
    Facebook X (Twitter) Instagram
    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest YouTube
    Idil News
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    Subscribe
    Idil News
    Home»Somalia»ONLF oo ka hor timid shidaalka laga soo saaray Deegaanka Somalida Itoobiya
    Somalia

    ONLF oo ka hor timid shidaalka laga soo saaray Deegaanka Somalida Itoobiya

    Jibril Qoobey.By Jibril Qoobey.June 29, 2018Updated:June 29, 2018No Comments2 Mins Read
    Share
    Facebook Twitter LinkedIn Pinterest Email Copy Link

    Jabhadda ONLF ayaa dhaliishay go’aanka ay dawladda Itoobiya shidaalka uga soo saartay Deegaanka Soomaalida Itoobiya.

    “Iyadoo aan la xallinin is afgaranwaaga muddada dheer soo taagnaa iyo arrinta siyaasiga ee dhextaalla Soomaalida Ogaadeenya ku nool iyo Itoobiya in hantidoodii loo gacan dhaafo oo lagu quudiyo dad kale oo Itoobiyaan ah waa gacan dhaaf waana diidannahay” ayuu yiri Afhayeenka Jabhadda ONLF Caddaani Hiirmooge.

    Dawladda Itoobiya ayaa Markii u horraysay shidaal tijaabo ah ka soo saartay deegaanka Soomaalida Itoobiya.

    Ra’iisulwasaare Abiy Axmed oo arrintaas ka hadlayana wuxuu sheegay in maalinkaste la soo saari doono 450 foosto oo shidaal cayriin ah, sannadka u horreeyana la filayo in ay ka faa’iidaan hal bilyan oo doolar.

    “Marka ay shaqadu dhamaato ee aan ka dhoofino dekedda Jabuuti waxaan qiyaasaynaa in aan sannadkii ka heli doono siddeed bilyan oo doolar” ayuu yiri Abiy.

    Afhayeenka jamhada ONLF oo ka jawaabaya hadalka ra’isalwasaare Abiye,ayaa sheegay in aysan Itoobiya qayb ka ahayn ee ay yihiin reer Ogadeenya dad la haysto.

    “Anagu Itoobi kama mid nihin, dhaqaalaheeda lama lihin, siyaasadda Itoobiya waxba kuma lihin, dad la haystaan nahay qoribaana lagu qabsaday walina waan diidanayn oo iska caabin baan wadnay waana sii wadi doonnaa, hantida shacbi Soomaaliyeed baa iska leh Itoobiyana ma laha” ayuu yiri Caddaani.

    Cadaai hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in ay mabdi’iyan qaateen hadafka ah Nabad in wax lagu raadiy,balse aysan taa macanaheedu ahayn in Ogaadeenya Itoobiya loo xalaaleeyay.

    “Dadaal nabadeed mab’da ayuu naga yahay waana soo dhawaynaynaa, arrinta Ogaadeenyana in si nabad ah lagu xalliyo barnaamij siyaasi ah bay naga tahay” ayuu yiri caddaani..

    https://www.idilnews.com/wp-content/uploads/2018/06/10000000_263444384221819_8569163065004654592_n.mp4
    Follow on Google News Follow on Flipboard
    Share. Facebook Twitter Pinterest LinkedIn Tumblr Email Copy Link

    Related Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    August 26, 2025

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    August 26, 2025

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    August 25, 2025
    Latest Posts

    Wefti sare oo QM ka socda oo gaaray Bosaso

    Ciidamada Difaaca PL oo hawlgalo ka fuliyay Toga Gaaca

    Akhriso:-10% Ardayda Puntland oo ku dhacday Imtixaanka Fasalka..

    Akhriso:-Tobanka Arday Ee ugu sareeya Imtixaanka Dugsiyada Sare Ee Puntland

    Faallo:-Loolanka,gaadmada iyo hardanka Siyaasada Somalida

    Wararkii ugu danbeeyay hawlgalka Calmiskaad

    Message from the Puntland Defence Forces Headquarters

    Wararkii ugu danbeeyay dagaalka Baallade Ee Calmiskaad

    Puntland oo Ciidamo cusub gelisay hawlgalka Calmiskaad

    Warbixin:-Kobaca dhaqaale Muwaadinka Somaliyed 5-tii Sano udanbaysay

    Facebook X (Twitter) Instagram Pinterest
    • Home
    • Puntland
    • Somalia
    • News in English
    © 2025 Idil News

    Type above and press Enter to search. Press Esc to cancel.